Saxilnews.com
WAR DEG DEG AH : Saraakiil Ku Geeriyootay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Xamaas Kuwaasi Oo Ku Jiraan Saraakiil Sare .
April 13, 2018 - Written by admin

sadex sarkaal oo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha somaliland ayaa hada ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay duleedka tuulada xamaas ee magaalada Berbera kadib markii ay isku dhaceen gaadhi bas oo ay leedahay shirkada Bari Iyo Galbeed .

sadex marxuum oo aanan ilaa hada labo kamid ah magacayadooda aana helin marka laga reebo Gaashanle Dhexe Cabdi Cabdilaahi Warfaa (CABDIWALI) Oo katirsan ciidanka raxanta Berbera sida uu noo sheegay taliayaha cuiidmada Badda Raxanta Berbera .

mid kamid ah sadexda mayd ayaa la xaqiijiyey inaan ilaa hada uu ku jiifo mid kamid ha gaadiidka isku dhacay oo hilbihii ku hoos jiraann taasi oo lala tacaalayo sidii looga saari lahaa halka labadii kalena dirqi looga saaray maydkoodii  .

sidaasi waxaa noo xaqiijiyey taliyaha ciidanka Badda Fadhiisinkeeda Berbera iyo gudoomiyaha Gobolka Saaxil wixii warar soo kordha kala soco saxilnews.com

COMMENTS
Latest News