Saxilnews.com
Sannad Guuraddii 22aad ee Ciidamada Booliska oo Maanta La Xusayo Kuna Soo Beegantay Xilli Ay Saraakiil Ciidan Xidh Xidhan Yihiin
November 3, 2015 - Written by admin

Hargeysa(OWN):-Waxaa maanta si weyn loo xusayaa sannad guuraddii 22aad ee ka soo wareegtay xilligii la’ aas aasay ciidamada Booliska Somaliland, iyada oo siddii caadada u ahayd munaasibad ballaadhan oo uu ka soo qeyb-gelaayo madaxweyne Siilaanyo loogu samayn doono xarunta taliska ciidamada Booliska Somaliland. Xuska sannad guurada 22aad ee maanta loo samaynaayo ciidamada Booliska Somaliland, ayaa ku soo beegmaysa xilli ay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland ay u xidh xidhan yihiin cabashooyin ay ka muujiyeen derejooyinkii ciidamada ee dhawaan la bixiyey, ku waas oo sheegay in derejooyinka la siiyey aanay gaadhsiisnayn heerka ay joogaan. Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada booliska oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay kana codsaday in aan la sheegin magaciisa, ayaa sheegay in saraakiisha xidh xidhan ay u xidhan yihiin sifo sharci darro ah isla mar ahaantaana  ay codsanayaan in xorriyaddooda loo soo celiyo.

 

 

maxamed xasan

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News