Saxilnews.com
SADDEXDA MAGAALO EE UGU HORREEYAY DHINACA DALXIISKA SANADKII TEGAY EE 2018 !
January 22, 2019 - Written by editor

Hargeysa(saxilnews.com)-Xaaladda Dhaqaale Ee Caalamka ayaa ah mid laga cabsi qabo inay hoos u sii dhacdo, balse arrintaasi wax saamayn ah kumay yeelanin dhinaca Dalxiiska.

Siday baahisay shirkada Euro Moniter International ee samaysa baadhtinaada kala duwan ayaa sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2018kii 1.4 Bilyan oo Rixladood ayaa u kala goosheen guud ahaan Dalalka Caalamka.

Magaalooyinka Hong Kong iyo Bangkok ayaa ku guuleystay sanadkii 2018 waxaana u dalxiis tegay dadka ugu badan ee ahaa dalxiisayaasha Dunida iyadoo tirada ugu badan ay u dalxiiseen Magaalada Hongkong, waxaana ku xigtay Magaalada Bangkok halka Magaalo Madaxda dalka Britain ee London-na ay noqotay Magaalada Saddexaad ee ay u dalxiiseen dalxiisayaashii ugu tirada badnaa Sanadkii 2018.

 

COMMENTS
Latest News