Saxilnews.com
Sacuudiga Oo Sheegay In Ciiddul-Adxa Ay Billaabaneyso Bishan Sebtembar 24-keeda
September 14, 2015 - Written by admin

Riyaad ( Saxilnews)-Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in Ciiddul-Adxa ay billabaan doonto Bishan Sebteembar 24-keeda oo ku beegan maalin Khamiis ah.

Guddiga Boqortooyada Sacuudiga u qaabilsan aragtida bisha ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqay maalinta ay ku aaddan tahay ciidda, kaddib markii uu u kuurgalay bisha Dhul-Xijjah, oo ah bisha 12-aad iyo tan ugu dambeysa ee kalandaariyaha Islaamka.

Dabbaaldegyada Ciidda ayaa billowda kaddib marka xujayda ay ka daadagaan Buurta Carafah. Gawraca xoolaha ayaa socda ilaa qorraxda ay ka dhacayso maalinta 13-aad ee Dhul Xijjah.

Maxamed xasan

 

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News