Saxilnews.com
Sacuudiga iyo Imaaraatka oo canshuur soo rogay markii ugu horeysay
January 1, 2018 - Written by editor
Cuntada iyo shidaalka waxay ka mid yihiin qeybaha canshuurta la saarayLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCuntada iyo shidaalka waxay ka mid yihiin qeybaha canshuurta la saaray

Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa markii ugu horeysay kordhiyay canshuurta laga qaado ganacsiga.

Canshuurta, oo la kordhiyay boqolkiiba 5, waxaa la saaray alaabta bagaashka ah iyo adeegyo kale.

In muddo ah, dalalka Khaliijka waxay soo jiiteen ajaaniib badan oo ka faa’ideysanayay canshuur la’aanta.

Balse dowladaha waxay hadda doonayaan in ay sare u qaadaan dakhligooda maadaama hoos loo dhigay qiimaha shidaalka caalamka.

Canshuurta la soo rogay ee labada dal ayaa maanta dhaqan galaysa.

Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta wuxuu saadaalinayaa in $3.3 bilyan oo dollar ay ka helaan canshuurta sannadkan ugu horeeya.

Shidaalka, cuntada, dharka, lacagta laga faa’ido iyo qolalka hoteellada ayaa ka mid ah meelaha ay canshuurta cusub saameyneyso.

Laakiin waxaa jiro qeybo aanan la saarin canshuur, waxaana ka mid ah adeegyada caafimaadka, kuwa dhaqaalaha dadweynaha iyo gaadiidka shacabka.

Hay’adaha caalamiga ah sida midda lacagta adduunka ee IMF, waxay dalalka Khaliijka ka dalbadeen in meelaha ay dakhliga ka helaan ay ballaariyaan, oo aysan ku tiirsanaan shidaalka oo keli ah.

Dhaqaalaha ay ku tiirsan tahay dowlada Sacuudiga wuxuu boqolkiiba 90 ka yimaadan Shidaalka, halka Imaaraatka uu ka helo 80 boqolkiibaa, dhanka shidaalka.

Labada dalba waxay billaabeen tallaabooyiin ay ku xoojinayaan dakhliga dowladda.

Sacuudiga wuxuu sidoo kale canshuur saaray tubaakada iyo cabitaannada fudud. Imaaraatka ayaa dhankiisa canshuur saaray dalxiiska.

Balse canshuurta lama saarin dadka ku nool meelaha aanan dhaqaalaha laga helin ee dhakhligoodu yahay 0% boqolkiiba.

Dalalka kale ee Khaliijka sida Baxrayn, Kuwayt, Cummaan, iyo Qadar, ayaa sheegay in cashuur ay soo rogi doonaan, balse waddamada qaar ayaa qorshahaasi dib u dhigay illaa 2019-ka.

COMMENTS
Latest News