Saxilnews.com
Degmadda BULLO-XAAR iyo Sida Ay Diiwaangelintu Uga socoto Qaybta 6aad
April 7, 2015 - Written by admin

Berbera (Saxil News.com)-Degmadda BULLO-XAAR iyo Sida Ay Diiwaangelintu Uga socoto Qaybta  6aad

Goob ka mid ah goobaha diiwaangelinta ee magaaladda Bulaxaar ee gobolka Saaxil

Sidoo kale meelaha aanu kormeerkani ku soo marnay waxaa ka mid ahayd degmadda  Bullo-xaar oo ka tirsan gobolka Saaxil, iyadoo magaaladaasina ka mid ahayd meelaha ay sida wanaagsan uga socotay qaadashadda kaadhka dhalashadda.

Hadaba waxa aanu arrimahaasi ka waraysanay guddoomiyaha degmadda Bullo-xaar,  Maxamuud Qawdhan Ayax, waxaananu ugu horayn waydiinay  bal in uu faahfaahin naga siiyo sida ay degmadaasi uga socoto diiwaangelintu. Waxaanu yidhi “Diiwaangelinta   1-dii bishan March ayaanu sanduuqyadda qaadnay,  90-cisho ayay taalay, bishii koowaad ilaa bishii labaad sanduuqyadu halkaas ayay yaaleen,  waxaa xanibnaa Telesom oo internet-kii  in ay xidhaan ay ahayd xagooda ayay ka xanibantay, markaa bishii 2-aad 20-keedii ayay Telesom noo sameeyeen internet-kii. Shaqadda 20-kii bisha ayaanu bilawnay, laba goobood ayaananu ka bilawnay, labadaas goobood oo midkood magaaladdan  Bullo-xaar dhexdeeda ahayd, taasi degmadda gudaheeda si fiican ayay uga socotaa diiwaangelintu, wax dhibaato ahina kama jirto, dadkuna aad ayay u danaynayaan.

Laakiin waxaa dadkii haysata abaar, iyo haleel la’aan, waa qof geed tumaya, qof midho uu soo guraya,  waa dad xoolo dhaqato ah oo sida ay wax u haleelaan ayaaba iska yar. Waxaa laga yaabaa wixii Rag ahaa marka ay xoolaha soo arooriyaan way is-diiwaangelinayaan oo way qaadanayaan kaadhkii, laakiin dumarkii sidii ay u soo bixi lahaayeen  ayaa aad u yar, wixii degmadda u dhawaa way qaateen laakiin kuwii ka fogaa ayay dhib ku tahay.  Deegaankuna waa dhul aad u balaadhan oo wax laba goobood ama mid lagaga baxayo ma aha, waayo 15-tuullo ayay ka kooban tahay ama hoos yimaadda degmadani Bullo-xaar, 15-kaa tuullo mid walba khalqiga ayaalaa aad ayay u faro badan yihiin,  waana dad xoolo-dhaqato ah,  wakhti kulayl ahna way ku soo beegantay imkika.

Markaa wixiina wax ay wasaaradda daakhiligu soo amrayso oo tirro cayiman ah, muddo dheer ayaanay qaadanaysaa haddii lagu sii wado labadaasi goobood oo keliya,  oo la yidhaahdo marba meel haloo raro.

Goobta labaad waxaan geeyay Ceel-sheekh meel la yidhaahdo,  Ceel-sheekh markii aan geeyay khilaaf ayaa ka yimid, dabadeed waan ka soo celiyay oo wasiirka arrimaha gudaha ayaanu wada hadalnay, kadibna 300-mitir dib Ceel-sheekh uga soo guur ayuu I yidhi, xuduudkii ay lahayd degmadda Bullo-xaar 1960,  300-mitir dib uga soo celi ayuu igu yidhi. Aniguna 300-mitir ee wasiirku I faray waan ka badiyay oo 1000-talaabo ayaan dib u soo celiyay,  meesha la yidhaahdo mashruucii Timirta oo ay Berbera xuku jirtay ayaan keenay,  oo ciidanka baduna ay imika degan yihiin.

Markaa niman reer Hargaysa ah oo aan deegaanka ahayn  markii hore degi jiray laakiin aanay imika cidi ka oolin, oo dadkoodii  imika ka diiwaangashaday Hargaysa ayaa nagu sameeyay rebshad,  diiwaangelintii way is-taagtay, sababtoo ah Taawrka birta meesha la yidhaahdo oo noo jirta 14KM  ayay qaateen, mishiinkii ayay bakhtiiyeen oo ay la tegeen,  oo ay inamadii bakhtiiya ugu hanjabeen, waana la bakhtiiyay, ka bacdi diiwaangelintii way is-taagtay ilaa   hadana wax talaabo ah oo ay dawladu ka qaaday ma jirto, ragii halkii ayay joogaan, qoryo ayay haystaan, sanduuqii waanu ka qaadnay oo shaqadii way is-taagtay , ta labaad waxay sameeyeen birtii Taawarka ahayd ee Telesom ee meesha ka taagnayd  ee internet-ka oo haddii ay shaqadu bilaabanto lagu shaqaynayay, ayay hadana haystaan,.

Wax ay uga jeedo ma garanayno  oo wax talaabo ah oo ragaasi ilaa imika dawladu ay ka qaadayna ma jirto, ragas hubaysan ee waxay doonaan samaynaya  ee shaqadii dawladda joojiyay wax ay dawladu ka qabatay ma jirto,  dee markaa in dadkii shicibka ahaa ee diiwaangelinta doonayay iyo kuwaasi ay isku dhacaan  ayaanu imika ka baqaynaa, sababtoo ah markii waxba laga qaban waayay. Markii horena waxaanu sugaynay  dawladda oo aanu is-lahayn iyadaa nimankaasi wax ka qabanaysa.”

Guddoomiyaha Bullo-xaar oo aanu waydiinay nimanka hubaysan ee uu sheegay waxa ay doonayaan iyo waxa ay u jeedadoodu tahay, waxa uu ku jawaabay “Nimankaasi waa niman reer Hargaysa ah,  waa niman leh waxaanu diidaynaa Berbera, ama degmadda Bullo-xaar  in aanu hoos tagno, oo waxaanu doonaynaa  Ceel-sheekh in ay ka tirsanaato Hargaysa, taasina waxa macquul ah ma aha, 16-KM  ayay isku jiraan Ceel-sheekh iyo Bullo-xaar, 70KM weeyaan kaantaroolkeedu oo ka shisheeya, 70KM naguma  haystaan, macne alaale macne alaale macno ay ka wadaana ma garanayna,  wax dhib ahina kuma jiraan diiwaangelinta oo dhulkani cidi kuma haysato oo dee waa dhulkoodii,  hasoo degina cidi malaha, cidi kama qaadayso, laakiin u jeedadoodu waxa weeyi iyaga dadkoodii wuu u diiwaangashan yahay, balse dadkan xoolo dahqatadda ah  ee meesha yaala cida wax siisay waa anaga,  cida ka masuulka ah ee xataa ka xashiishka xaadha mushaharka siisaa waa anaga,  wax ay nimankaasi ka og-yihiina ma jirto, daawadda anagaa u gayna, dhakhtarka anagaa  u dhisnay”……

Diyaariye:Axmed Maxamuud Cismaan(Mr:Duni Cusub)

kobciye999@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News