Saxilnews.com
Saadaal Uu Arsene Wenger Ka Dhiibtay Kulankii Man United Vs PSG Oo Si Cajiib Ah Run U Noqotay.
February 13, 2019 - Written by editor

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa si cajiib ah u saadaaliyay in ay Kooxda PSG Garaaci doonto Man United ka hor kulankii Xalay.

Tababaraha reer France ayaa falanqeeye ka ahaa BeIN Sports isaga oo falanqayanayay kulankii Man United iyo PSG ee champions League.

Arsene Wenger ayay si cajiib ah Run u noqotay saadaalintii uu ka dhiibtay BeIN Sports ka hor intii ayna bilaabmin ciyaartii xalay.

Wenger oo 69 jir ah ayaa Kooxda PSG u saadaaliyay in ay 2/0 ku garaaci doonto Man United taas oo ugu dambayn sax noqotay.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Presnel Kimpembe Iyo Kylain Mbappe ayaa PSG ka caawiyay in ay Man United ku garaacdo garoonkeeda.

Arsene Wenger ayaa si weyn ula xafiiltami jiray Man United markii uu tababaraha u ahaa kooxda Arsenal kana shaqayn jiray Premier League.

Wenger ayaa haatan bilaa shaqo ah tan ilaa xagaagii markii uu ka tagay kooxda Man United muddo 22 sano ah kadib

COMMENTS
Latest News