Saxilnews.com
Rooda Cabdi Muuse waa Gabadhii Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbiga waddani ula Baxay Boqoradda Haweenka Saaxil
October 29, 2016 - Written by admin

Xoghayihii Dhalinyarada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa Goor dhaweyd Iska Casishay Xilkii Iyo Xubinimadii Xisbiga Waddani

Haweenaydan Rooda Cabdi Muuse ayaa ahayd Gabadh Siyaasadda iyo hammiga Musharaxa Xisbiga si dhab ah u taageeri jirtay

Rooda oo ah qurbajoog degen dalka SWEDEN ayuu Xisbigu marar badan ka marag kacay dadaal iyo wakhti badan oo ay gelisay dardargelinta hawlaha dhalinyarada xisbiga iyo weliba maalgelin tiro badan oo ku keliyaysatay kuna bixisay taageeradda dhalinyarada xisbiga iyo guud ahaan Somaliland

Rooda Cabdi Muuse oo ah gabadh aad u caqli badan garaadkeeda Qofnimona uu sareeyo ayaa Warbaahinta usharaxday sababta keentay in ay iska casisho Xisbiga iyadoo u nisbaysay dhawr arimood oo kala duwan.

Rag caan ka ah siyaasadda Somaliland oo dhawaan Xisbiga waddani ku biiray ayay ku tilmaantay dillaaliin, kala gees ujeeda , kuwaas oo ay ku sheegtay in ay udusayaan dhabarjabinta qaranka, musharaxa Madaxweynenimo ee xisbiga ayay rooda sidoo kele ku eedaysay Siyaasiyiintaas dhabarku muuqdo in uu kala ilaalinayo marba koox dii utimaadana gacanta uu u dhiibayo

Siyaasiyiinta Xisbiga waddani waxa ay u qaybisay dhawr nooc oo aanu qaranku mahadin karin marnaba, Himiladda xisbigana lugoynaya,

Kooxahaas oo kala ah bay tidhi koox Muqdisho xisbiga ku wada, kuwo Madaxtooyada Somaliland kuwadda, kuwo Ciil qaba oo doonaya Xisbiga Waddani in ay ku aarsadaan, kuwo UN-Ka dillaaliin u ah, iyo koox jecel dad tirada qabiiloodu badan tahay neceb na qofka ka dhashay qabiilada dadkoodu tirada yar yahay,

Xisbigii Waynaa ee waddani wada dilaaliin ayay ku tilmaantay rooda abdi muse ,
Guud ahaan masuulkan waxa ay si farshaxan leh u macnaysay sababta keentay in ay kacararto xisbigay uhan waynayd ee waddani

Qalinkii Abdisatar Sabri

COMMENTS
Latest News