Saxilnews.com
Roobabkii Ugu Balaadhnaa Oo Manta Galinkii Danbe Ka Da,Ay Deeganada Dhinaca Galbeed Gobolka Saaxil
March 22, 2015 - Written by admin

Berbera (Saxil News.com)-

Roob Balaadhan Ayaa Manta Galinkii Danbe Ku Habsaday Deeganada Dhinaca Galbeed Ee Gobolka Saaxil Gaar Ahaana Deeganada Lafaruug Iyo Dawlow Ilaa 50KM-60km  Dhinaca Galbeed Kaga Beegan Magaalada Berbera

Roobabkan Oo Kasoo Da,ay Dhinaca Bada Ayaa Wariyaha Deeganka Lafaruug  Hobaan Muuse Ibraahim Waxa Uu Noo Sheegay

Inuu Roobkan Si Wacan Uga Da,ay Deeganka Lafaruug Ee Galbeedka Gobolka Saaxil Isla Markan Uu Biyo Dhigay Sidoo Kale Oo Daad Xoogan Watay

Roobabkan Ayaa La Sheegay Inay Duljoogaan Deegankaasi Sidoo Kalena Ay Tusan Tahay Daruurtu Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Da,o Hadii Eebe Laga Helo Deeganada Gobolka Saaxil

Roobabkan Ayaa Abaaro Ba,an Kasoo Jabiyey Dadka Deeganadaasi Ku Dhaqan Oo Ka Cabanayey Dhinaca Baadka Iyo Biyaha

 

Mukhtar Abdirahman

Berbera-somaliland

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News