Saxilnews.com
Roobab Xoogleh Oo Sacadihii ugu dambeeyey ka da’ayey Magalada Burco Ayaa Sababay Khasaare Dhawacyo Iyo Maalba Leh
September 22, 2015 - Written by admin

BURCO (Saxilnews.com) Roobab Duufaano wata oo ka da’ayey Sacadihii la soo dhafay Magalada Burco oo socday Qiyaas ahaan 4 Sacadood ayaa Gaystay Khasaare Naf iyo Maalba leh kadib markii u dufaantaasi ay waxyeelo u gaysatay Guryaha ay ku jiraan dadka ama ay ka galeen roobabka

Khasaarahaasi oo ilaa hada aanay wada cadayn tirada guuud ee waxyeelada ayaa waxaanu booqasho ku tagnay qaar ka mid ah kaamamka Koosaar iyo Cali Xuseen, oo ay waxyeelo hantiyeed kasoo gaadhay dadka ku dhaqan kamamkaasi oo iyagu aan haysan guryo ka kaafiyi kara roobabka intaas baxada le’eg ee waxyeelada u gaystay.
khasaaraha guud ee ka dhacay kamamkaasi ayaa iyagu ahaa khasaare fudud oo anay wax dad ahi ku dhiman, hase ahaate waxaa u intooda badan ka bur buriyey raxmadaasi da’day Guryo tiro badan oo u badan Aqalada loo yaqaano ama ka samaysan Jiingadaha iyo looxaanta,
wax dad ah waxaa ku waxyeeloobay hal wiil oo da’diisu aad u yartay oo qiyaastii le’eg ilaa 4 jir, oo xaalad caafimaad hada cisbitalka loogu hayo kaasi oo u fududyahay dhaawaca soo gaadhay.
Geesta kale waxaa ilaa hada na soo gaadhaya warar sheegaya waxyeelooyin tiro badan oo u u gaystay gudaha magalada burco oo iyaguna ka mid ah raxmada alle ina siiyey, kuwaasi oo u iyaguna ku waxyeeloobay guryo u jiingada u ka qaaday, qaar u burburiyey oo u jaajuurka gurigu kusoo dumay, inkastoo anay jirin cid U Dhimatay waxyeelooyinkan laakiin Xaladooda Caafimaad lagu dabiibayo Cusbitalka weyn ee maglaada burco.
iyadoo sidoo kalena waxyeeloyin u u gaystay roobku Qayb ka mid ah Gidaarka Garoonka Kubada Cagta, oo isaga mudooyinkii u dambeeyey Loo Hagaajinayey Ciyaaraha Gobolada Dalka Qaybo ka mdi ah.
Si kastaba ha ahaate dhibaatooyinka ay sababeen Roobabkaasi ilaa hada warar intaasi ka badan ayaa la sheegaya oo u gaystay, hase ahaate aan lagu kalsoonayn. Wixii kasoo kordha waxaan idiin soo gudbin doona wakhtiga aanu ka helno warar sugan. Haduu alle ka dhigo

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News