Saxilnews.com
Rikoodh: Sadio Mane Oo Markii Ugu Horaysay Dhigay Rikoodh Taariikhi Ah Oo Shaqsi Ah.
February 9, 2019 - Written by editor

 

 

 

Kooxda Liverpool ayaa ku soo laabatay wadada guulaha kadib markii ay guul ay ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka dhacay Anfield.

Goolal ay dhaliyeen Sadio Mane, Georginio Wijnaldum, iyo Mohamed Salah ayaa Reds ka caawiyay in ay gaadho guul qaali ah.

Xiddiga Liverpool ee Sadio Mane ayaa dhigay rikoodh taariikhi ah oo shaqsi ah kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Bournemouth.

Sadio Mane ayaa markii ugu horaysay xirfadiisa ciyaareed dhaliyay gool 4 kulan oo xiriir ah tan ilaa markii uu bilaabay kubada cagta.

Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa goolal ka dhaliyay kulamada Bournmouth, West Ham, Leicester City iyo Crystal Palace

COMMENTS
Latest News