Saxilnews.com
Real Madrid,Man United Mise PSG? Kooxda Juventus Oo Si Weyn Uga Xanaaqday Talaabo Uu Ku Kacay Wakiilka Paulo Dybala
December 19, 2017 - Written by editor

 

 

 

Kooxda Juventus ayaa si weyn uga xanaaqday walaalka la dhashay weeraryahanka Paulo Dybala kadib markii uu la kulmay laba kooxood oo waaweyn oo reer yurub ah sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Mariano Dybala oo 36 jir ah ayaa ah wakiilka xiddigan tan iyo markii uu da,yarka tayada leh iska fasaxay wakiilkiisii bishii September.

Juventus ayaa si weyn uga xanaaqday Mariano Dybala kadib markii uu la kulmay kooxaha Paris Saint-Germain iyo waliba man United isaga oo kala hadlay suurtagalnimada uu ugu biiri karo xiddigu.

Xiriirka weeraryahanka iyo kooxda ayaa haatan ku dhaw in ay bur-burto xilli wargayska Corriere della Sera sheegayo in uu Mariano u safray France si uu adeega xiddiga ugu soo bandhigo kooxda reer France.

Warka ayaa sheegaya in ay Juventus ogaatay arinta markii uu saaxiibta wakiilka Dybala Instagram-ka soo dhigtay sawir taas oo si weyn uga xanaajisay maamulka Juventus.

Mariano ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu si xiriir ah ula xiriiray kooxaha Real Madrid iyo Waliba kooxda premier league Man United.

Kadib kulankii uu Mariano La qaatay kooxda PSG waxa uu sharaxay sida uu walaalkiisa ka yar ugu biiri doono kooxda PSG si uu badal ugu noqdo Neymar.

Kooxda Juventus ayaa xiddiga reer Argentine kaydka dhigtay kulankii Inter Milan inkasta oo uu tababaruhu ku sababeeyay xiddiga oo aan tababar fiican qaadanin.

 

COMMENTS
Latest News