Saxilnews.com
Real Madrid Waxay U Baahantahay Inay Dib Isku Dhisto, Eden Hazard Ma Qaadi Doono Talaabo Qaldan – Eden Walaalkiisa Thorgan Hazard Oo Los Blancos Runta U Sheegay
November 6, 2018 - Written by editor

Xiddiga kooxda Borussia Monchengladbach ee Thorgan Hazard ahna walaalka la dhashay xiddiga Chelsea ee Eden Hazard ayaa markiisa soo dhex galay wararka walaalkii la xidhiidhinaya kooxda ree Spain ee Real Madrid oo mudooyinkii ugu dambeeyay si aad ah u doonaysay.

Hazard ayaa ahaa bar-tilmaameedkii ugu horreeyay ee Madrid ee suuqii xagaaga kaddib bixitaankii Cristiano Ronaldo balse Chelsea ayaa samaysay isku day kasta oo ay ku celinayso xiisaha kooxda ree Spain.

Haddaba, Thorgan ayaa sheegay in Eden uu sameeyay go’aankii saxda ahaa maadaama oo ay Real Madrid haatan dhibaataysan tahay iyaga oo waayay xiddigihii muhiimka ahaa sidoo kalena caydhiyay tababarihii kooxda.

Thorgan Hazard ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Eden waxa go’aankii saxda ahaa ku sameeyay inuu joogay, Chelsea ma aysan qorshaynayn inay iibiso isaga xagaagii hore haatana waxa uu bilaw fiican la qaadanayaa Maurizio Sarri xilli ciyaareedka cusub”

“Real Madrid waxa ay ku jirtaa wakhti adag, Waxa ay caydhiyeen tababarihii iyaga oo ay xiddigo muhiim ah ka tageen  haatana waa inay dib u dhisaan kooxda”

“Eden ma samayn doono u dhaqaaqis qaldan, Waxa uu sugi doonaa waxa dhaca dhammaadka xilli ciyaareedka, Waan ogahay isaga haatana kama fikirayo inuu sameeyo u dhaqaaqitan wakhti xaadirkan”

Dhinaca kale Thorgan ayaa sidii uu horeba Eden Hazard uga dhawaajiyay sheegay inuusan marnaba walaalkii qaab xun kaga bixi doonin Chelsea haddiiba uu go’aansado inuu koox bedelasho sameeyo

COMMENTS
Latest News