|
|||||
Saxilnews.com
Raysal Wasaraaha Somaliya Oo La Filaayo In Maanta Oo Arbaca Ah Ku Dhawaaqo Golihiisa Wasiirada Iyo Qaabka Wasaaradaha Waa Weyn Loo Qeybsadey
March 15, 2017 - Written by Abdisalaan HarirMoqdisho (Saxilnews):- Raysal wasaaraha dalka Somaliya Muddane Xassan Cali Khayre ayaa waxaa la filayaa in maanta oo Arbaco ah uu ku dhawaaqo ama uu shaaciyo xubnaha golaha wasiirada xukuumadiisa Cusub Sababta ugu weyn ee maanta la filanaayo ayaa waxaa ay tahay ka dib inta badan la soo gabo gabeeyey diyaar garowgii loogu jiray magacaabista wasiiradaas iyo sidoo kale iyada oo ay maanta ku beegan tahay maalin Arbaca ah Waxaaa dhinca kale Xusid Muddan in xukuumadan cusub ee dalka Somaliya ay maalinta Arbacda ahi ugu dawan tahay maalmaha kale oo tusaale ahaa Farmaajo Arabca ayaa la doortey , Arbaca ayuu xilka la wareegay , Arbaca ayaa la caleemo saaray , Arbaca ayuu Raysal wasaaraha soo magacaabey , Arbaca ayaana loo ansixiyey isla maalin Arbaca ahna waxaa la filayaa in golaha wasiirada la magacaabo
Dhinca kale shabakada Ilaysnews.com oo arimaha magacaabista wasiiradan cusub il gaar ah ku haysay waxaa ay ka heshay xogo banaanka soo dhigay qaabka wasaarada ugu waa weyn dalkaasi loo kala qeybsadey 1-Puntland: Wasiirka Difaaca 2-Somaliland: Wasiirka Maaliyadda 3-Koofur Galbeed: Arrimaha Dibadda 4- Galmudug: Arrimaha Gudaha 5-Jubbaland: Amniga 6- Hirshabeelle: Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo Wasiir
COMMENTS
|
Latest News
|