Saxilnews.com
RAYSAL WASAARAHA SOMALIA IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO UKICITIMAY MAGAALADA CADAADO SI AY XAL UGU RAADIYAAN XIISADA KA TAAGAN GAALKACYO
November 27, 2015 - Written by admin

Muqdisho (SAXILNEWS)_Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdirashid Cali Sharkmake iyo qaarka mid ah golahiisa wasiirada iyo xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa ka ambabaxay maanta magaalada Muqdisho oo aaday gobolka Mudug.

Ra’iisal wasaaraha iyo xubnaha wehlinaya ayaa kusii jeeda magaalada Cadado, iyaga oo uga sii gudbaya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe si xal loogu helo xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Galkacyo.

SAXILNEWS ayaa waxaa la soo xiriiray Nabadoon Cabdikariim Shiikh Axmed Xassan oo ka mid ah nabadoonada dhinaca Galmudug oo uga qaybgalaya wadahadalada lagu dajinayo xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Weriyaha SAXILNEWS  ee Muqdisho MAXAMED BLACK ayaa taleefanka kula hadlay Nabadoon Cabdikariin isagoo jooga magaalada Gaalkacyo, waxuuna dadaaladda waawaanta ee socoda iyo dhex dhexaadinta labada dhinac.

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News