Saxilnews.com
Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Qaabilay Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen
June 22, 2019 - Written by editor

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Qaabilay Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

Addis Ababa(SXN):-Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa kulan la qaatay wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Wasiirka arimaha dibada Jabuuti ayaa raysal wasaaraha Itoobiya soo gaadhsiiyey fariin tacsi ah oo uu ka siday madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale raysal wasaaraha Itoobiya iyo wasiirka arimaha dibada Jabuuti ayaa ka wada hadlay arimo la xidhiidha danaha dalalkooda gaar ahaan sidii loo dardar gelin lahaa xidhiidha dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal iyo kor u qaadida xidhiidha shacabka ee dhaqanka sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya.

Labada dhinac ayaa mar ka wada hadleen nabada iyo deganaanshaha gobolka waxay soo jeediyeen in urur goboleedka IGAD uu raysal wasaaraha Itoobiya ku taageero sidii oo soo celin lahaa deganaanshaha dalka Suudaan.

Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale wasiirka arimaha dibada Itoobiya kala hadlay xidhiidhka adage e uu dalkiisu la leeyahay wadanka Jabuuti, iyada oo kulankooduna ku soo dhamaaday jawi degan.

COMMENTS
Latest News