Saxilnews.com
RAYSAL WASAARAHA ITOOBIYA IYO MADAXWEYNAHA ERETRIA OO GAADHEY DALKA KONFURTA SUDAN IYO UJEEDADOODA+DAAWO SAWIRO
March 4, 2019 - Written by editor

Addis Ababa(saxilnews.com)-Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya iyo Madaxweynaha dalka Eretria oo wada socda ayaa waxaa ay maanta ka dageen caasimada konfurta Sudan ee Juba .

Labadan  hogaamiye oo ka duulay caasimada Eretria ee Asmara ayaa ujeedadoodu ay tahay inay kulan la qaataan  madaxweynaha dalka Konfurta Sudan Salva Kiir , kala hadlaana arimo ay ka mid yahiin heshiiskii nabada , ganacsiga  iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale .

Waa markii ugu horeysay ee hogaamiyayaasha Itoobiya Iyo Eretria iyaga oo wada jir ay tagaan dalka Konfurta Sudan

COMMENTS
Latest News