Saxilnews.com
RAYSAL WASAARAHA ISRAA’IIL OO KU BAAQAY IN LA XIDHO HAY’ADDA QARAMADA MIDOOBAY EE TAAGEERTA QAXOOTIGA FALASTIINIYIINTA
January 9, 2018 - Written by editor

Israa’iil:-(saxilnews.com) Reysal wasaaraha Israa’iil Binyamin Netanyahu ayaa golihiisa wasiirrada u sheegay in hey’adda QM ee qaxootiga Falastiinyiinta ah caawisa ay sii seeto-dheereyneyso dhibaatada, lama huraanna ay tahay in la xidho.

Netanyahu ayaa ka cawday hey’adda gargaarka QM ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNRWA isagoo xusay in ay diiradda saareyso oo kaliya qaxootiga Falastiiniyiinta ah, lacagaha lagu maal-geliyana ay tahay in loo wareejiyo UNHCR.

Hay’adda ayaa ku doodeysa in ay gargaar u fidiso ilaa 5milyan oo qaxooti ah, kuwaasoo mutteystay adeegeeda.

Qaxootigaasi ayaa ah kuwii guryahooda kaga cararay dagaalkii lagu aasaasay Israa’iil sanadkii 1948-kii ama tafiirtooda. in kabadan hal milyan iyo bar Falastiiniyiin ah ayaa ku nool xeryo Qaxooti oo ku kala yaalla dalalka Urdun, Libnaan, Suuriya, daanta galbeed iyo waliba Gaza.

Afhayeen u hadlay wakaaladda UNRWA oo la yiraahdo Chris Gunness ayaa sheegay in hey’addu ay sii wadi doonto hosheeda ilaa inta xal dheelli-tiran oo joogta ah laga xaarayo arrinta qaxootiga Falastiin.

COMMENTS
Latest News