Maamulka horyaalka La Liga ayaa ku dhawaaqay taariikhda iyo waqtiga la ciyaari doono kulamada 19 aad iyo 20 aad ee xili ciyaareedkan. Waxaa la soo ciyaaray kulamadii 17 aad ee horyaalka La Liga waxaana hore loo shaaciyay waqtiga la ciyaari doono kulamada 18 aad balse waxaa la sii raaciyay kulamada 19 aad iyo 20 aad oo ay haddaba kooxaha La liga ogyihiin waqtiga ay u diyaar garoobi doonaan.

Real Madrid ayaa kulamada 19 aad ee La Liga soo dhawayn doonta kooxda Villarreal waxaana kulankan la ciyaari doonaa January 13 oo ah maalin sabti ah halka Barcelona ay booqan doonto kooxda Real Sociedad waxaana kulankan la ciyaari doona January 14 oo ah maalinta axada ah.

Laakiin kulamada 20 aad ee horyaalka La Liga ayaa la ciyaari doonaa January 19 ilaa January 22 waxayna Real Madrid soo dhawayn doontaa kooxda Deportivo iyada oo kulankan la ciyaari doono sabtida January 20 marka ay saacadu tahay 16:15.

Kooxda hogaanka La liga haysa ee Barcelona ayaa kulankeeda 20 aad ciyaari doonta axada January 21 waxayna booqan doontaa kooxda ay xusuustii xumayd ee xili ciyaareedkii hore ka haysato ee Real Betis iyada oo kulankani uu bilaami doono 20:45.

Haddaba halkan kaga bogo taariikhda iyo Waqtiga La Ciyaari Doono Kulamada 19 aad iyo 20 aad Ee La Liga:

Taariikhda Iyo Waqtiga Kulamada 19 aad Ee La Liga