Saxilnews.com
RASMI: Mudada Uu Alexis Sanchez Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Shaaciyay
March 4, 2019 - Written by editor

Kooxda Man United ayaa la kulantay dhirbaaxo xun kadib markii la xaqiijiyay mudada uu Alexis Sanchez ka maqnaan doono garoomada kadib dhaawac jilibka ka soo gaadhay.

Xiddiga reer Chile ayaa la xaqiijiyay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 8 todobaad ah kadib dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay.

Xiddiga aan qaab ciyaareedka fiican ku jirin ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Man United 3/2 uga badisay kooxda Southampton sabtidii.

Xiddiga ugu mushaharka badan Man United ayaa Maray Baadhitaanka iyada oo haatan si weyn looga shaki qabo in uu mar kale u ciyaari doono man United xilli ciyaareedkan.Sida laga soo xigtay wargayska reer Chile ee El Mercurio ayaa sheegaya in uu xiddiga weerarka uga ciyaara xulka Chile garoomada ka maqnaan doona 6 ilaa 8 todobaad.

COMMENTS
Latest News