Saxilnews.com
RASMI: Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Ka Qeyb Galaya Kulanka Getafe Oo Lagu Dhawaaqay & Xidigo Waaweyn Oo Soo Laabtay.
March 3, 2018 - Written by editor

Real Madrid ayaa caawa la ciyaareysa Getafe kulan ka tirsan horyaalka La Liga, waana kulan ay u baahan tahay iney wadada guulaha dib ugu soo laabato maadama ay si lama filaan ah guuldaro uga soo qaadatay Espanyol.

Kooxda waxaa dib ugu soo laabtay dhawr ciyaartoy oo kulankaas la nasiyay waxaana ka mid ah Cristiano Ronaldo, Dani Carvajal iyo Casemiro.

Kroos iyo Modric ayaa wali kooxda ka maqan kuwaas oo dhaawacyo qaba, waxaana la filayaa iney kulanka Paris Saint Germain diyaar u noqdaan, waana maalmo yar kadib.

Marcelo ayaa dib ugu soo laabtay liiska ciyaartoyda mana ciyaarin tan iyo 18-kii February markii uu dhaawac uga baxay kulankii Real Betis, sidaas darteed lama oga caawa hadii uu daqiiqado kooban ciyaari doono.

Goolhayeyaasha: Navas, Casilla and Luca.

Daafacyada: Carvajal, Ramos, Varane, Nacho, Marcelo and Theo.

Khadka Dhexe: Casemiro, M. Llorente, Asensio, Isco and Kovacic.

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Benzema, Bale, Lucas Vázquez and Mayoral.

COMMENTS
Latest News