Saxilnews.com
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Daboolka Ka Qaaday Inay Ka Go’an Tahay Xasilinta Soomaaliya
June 14, 2017 - Written by suxufi

Addis Ababa (Saxilnews) – Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa daboolka ka qaaday in Itoobiya ay ka go’an tahay inay sii wado dedaalada lagu xasilanayo Soomaaliya.

Hailemariam, waxa uu sidaasi ka sheegay kulan uu Salaasadii maanta la yeeshay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Addis Ababa, siday faafisay wakaallada wararka Itoobiya ee ENA.

Labada masuul waxay falanqeeyeen sida lagu sii xoojinayo xidhiidhka jira ee ka dhaxeeya labada waddan iyo iskaashigooda mustaqbalku sida uu noqonayo, sida uu sheegay ergayga/musaacidka khaaska ah Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Ewnetu Bilata.

Dhinaciisana Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre,waxa uu sheegay inuu jecel yahay inay Itoobiya ka bartaan kaalingelinta dhaqaalaha gaar ahaan warshadaha yar yar iyo kuwa dhexe.

 

COMMENTS
Latest News