Saxilnews.com
Ra’iisal-Wasaaraha Somaliya Oo Ku BaaqayJoojinta Colaad Dhexmartay Laba Beelood Deegaanada Qorilay Iyo Magacley
September 28, 2015 - Written by admin

Ra’iisal-Wasaaraha Somaliya Oo Ku BaaqayJoojinta Colaad Dhexmartay Laba Beelood Deegaanada Qorilay Iyo Magacley

Muqdisho-( saxilnews)-Reysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa baaq nabadeed oo ku aadan joojinta colaada u diray beelaha deegaanada Qorilay, Magaclay iyo dhulka howdka ee gobolada Mudug.

Reysul wasaaraha ayaa ugu baaqay beelaha ay dirirtu dhexmartay inay joojiyaan colaada isla markaana ka shaqeeyaan nabada iyo wada noolaanshaha.

Wuxuu muujiyay reysul wasaaraha inuu ka xun yahay dagaalka ka dhacay deegaanada Qorilay iyo Magaclay, wuxuuna u jeediyay dhinacyada dagaalku u dhexeeyo inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

Reysul wasaare Cumar Cabdirashiid oo khadka telefoonka kula hadlay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka dhinacyada dagaalamay ayaa sheegay inay ka aqbaleen khilaafka inay ku xalin doonaan wada xaajood.

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News