Saxilnews.com
Qoraa Faransiis ah oo sheegay in haweenka ka weyn 50 sano aan la jeclaan karin
January 8, 2019 - Written by editor
Women over 50Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionYann Moix caan ayuu ka yahay Faransiiska

Qoraa Faransiis ah ayaa lagu cambaareeyay hadal uu sheegay oo ahaa inuusan “awoodin” inuu jeclaado haweeney 50 sano jir ah amaba ka weyn … inkastoo isaga xitaa uu 50 sano jir yahay.

Yann Moix ayaa u sheegay wargeyska Marie Claire in haweenka da`daas ku jira uu u arko inay “duqoobeen”.

“Waxaan door bidayaa jirka haweenka dhalinyarada ah, waa un intaas,” ayuu yiri.

Hadallada ninkan ayaa caro ka abuuray baraha bulshada.

Marina Foïs, oo ah jilaa Faransiiska u dhalatay ayaa barteeda Twitter-ka kaftan ku soo qortay iyadoo sheegtay in mar dhowr ay geli doonto da`da 49, sidaas darteedna ay keliya hal sano iyo 14 maalmood uga harsan tahay in qoraaga uu aqbalo

Dhanka kale, haweenka qaar ee ka weyn 50-ka sano ayaa soo dhigay barahooda sawirro ay ku muujinayaan jirkooda.

Qaar kale ayaa soo dhigay sawirrada haween caan ah oo ku jira Hollywood-ka, kuwaas oo ku dhow da`da 50-ka sano, sida Halle Berry iyo Jennifer Aniston, si ay hadalkiisa u beeniyaan.

Women over 50Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Anne Roumanoff, oo ah jilaa ayaa ayadana cambaareysay qoraaga, iyadoo sheegtay in jaceylku uusan ku xirneyn jirka qofka, balse uu yahay xiriir u dhaxeeya labo qof.

Moix waa barnaamij soo jeediye, agaasime iyo qoraa abaal-marin ku guuleystay, waxaana lagu yaqaannaa hadallo dood abuura.

Wareysigiisa ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay inuu sheegay inuu door bidayao haweenka qaaradda Aaasiya ka soo jeeda, gaar ahaan haweenka ka soo jeeda Kuuriya, Shiinaha iyo Japan.

“Waxaan jeclahay qofka aan jeclahay jawaab kalena uma hayo,” ayuu yiri.

“Haweenka 50-sano-jirka ah ayaga xitaa ima rabaan!” ayuu yiri. “Wax kale oo ay sameeyaan ayay haystaan intii ay la joogi lahaayeen qoraa mashquul ah oo maanta dhan wax qoraya waxna akhrinaya. Ma fududa in aniga la ila joogo.”

COMMENTS
Latest News