Saxilnews.com
QIMAHA KORONTADA OO HALKII USARAYSAY GADHAY DEEGMADA SHIIKH+ MOOGANAANTA MASULIYINTA GOBOLKA &DEGMADA
November 24, 2017 - Written by editor

Deegmada Shiikh waxay kamid tahay Deegmooyinka facawayn ee JSl, Degmadani waxay Caan ku tahay inay leedahay sooyal Waxbarasho oo soo jireen ah, waana deegmo Ay ka Aflaxeen Madax & masuuliyiin badan oo Qarankan Sumcad & Qadarin kuleh.

Akhriste waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago Haddi Eebe idmo qormo taxane ah oo ku saabsan Dareenka shacabka deeg mada shiikh Ka Qabaan shirkada Laydhaka ee Beder & Baahida Ay uu Qaban Adeeg koronto oo jaban.

Hordhac:

31 Aug 2014 ayay ahayd markii ugu horaysay ee Shirkada korontada ee Beder si rasmiya xaruun uga fuuratay Degmada sheikh ee Gobolka Saaxil iyaado hore uga hawl gali jirtay shirkadani magalo Madaxda goobolada Togdheer & Saraar, Waxanay ahayd markii ugu horaysay ee Deegmada Timaado Shirkad Gaar loo leyahay, Halka markii Hore ka hawl gali jiiren Shirkado koronto oo lawada leeayahay.
Tan iyo markii shirkadan beder soo Caga dhiigatay deegmada shiikh bulshadu waxay Naawilaysay in Ay soo kordhindooto Horumar lataaban karo isla markaan ka haqab tiri doonto bahidii koronto ee Ay dabooli kari waayen shirkadihii kahoreyay ee degmada ka hawl gali jiiray , laakin taasi madhicin oo badelkeedii Nooqday in Qiimaha 1 unit ka dhiigto .90$ Halka uu Markii hore ka ahaan jiiray Xaadi intaas kayar oo ah 0.75$/unit, waxayna waaji gabax ku nooqotay shacabkii Dan yarta ahaa ee awoododa dhaqaale hoosaysay.
Akhriste bal aynu isbarbardhiig kusamayno Deegmada berbera oo maamul ahaan deg-Sheikh hoostagto isla Markana Maamusho Shirkad gaar loo leyahay (Public private partnership) oo Ay isku Mar Qandaraas Kawada Helen Bangiga Aduunka shirkadan beder ee shiikh ka hawl gasha.
Ka hor intii aanay berbera lawareegin shirkadani garka loo leyahay horaantii 2015, Qimaha 1 unit waxaa uu ahaan jiiray 0.95$/ unit, lakiin shirkadani iyaado fuulinaysa Balan qaadkii Ay uu samaysay shacabka ku dhaqan degmada berbera waxaa Ay 1unit ka dhiigtay 0.5$/unit waxayna balan qaaday in Ay qiimaha gadhsiin doonto 0.30$/unit bilawga sanadka cusub ee 2019.
Akhriste waxaa Xaqiiqo ah in Shirkada Beder Qaybteeda ka hawl gasha Deg-shiikh Ay Qandaraas Ka heeshay Bangiga Aduunka isla markana Balan qaadkeedu Ahaa in 1unit kadhigi doonto 0.30$, waxse Hubaala in balanqaad kasi Noqday “Hal Bacaad Lagu Liisay”.

MAXA LAGA FIILAYAA IN ADEEGAN SOLARKA EE SHIRKADU SOO KORDHISAY NOQDO ?

Qornigan 21aad Duunidu waxay uu jihaysatay inay ka faa,idaysato Tamarta dabiiciga Ah(Natural resource Energy) oo ay kamid Tahay Tamarta cadceeda Laga dhaaliyo (solar system), Taasi oo wadankeenu qani ku yahay, ujeedada Talaabadani Ayaa ah in layareeyo amaba laga maarmo isticmaalka Tamarta shidaalka ee enginada Tamarta korontadu isticmalayaan.
Sidaa darteed shirkada beder iyadoo La jaan qaadaysa talaabadan aduunyadu uqaaday dhina horumarka sayniska isla markaana ka faa,idaysanaysa sidii Ay uuga maarmi lahayd isticmalka Shidalka (Diesel) ee ay isticmaalan engineda shirkadu ayaa waxay dhawaan ka hirgalisay Adeega Qoraxda ka dhaliya Tamarta korontada ee loyaqaano solar systemka.
Tan iyo mudada Ay soo kordhisay shirkadu adeegan Rajada shacabka Deg-sheikh Ayaa ahaa mid Ididilo fiican leh, waxayna Rajaynayeen in Qiimo dhiimis balaadhan shirkadu ku samayn doonto Qiimihii hore ee Ay ka Qadi jiirtay macaamisheeda, Laakin madhiicin Taasi oo mar 2aad Ayaay ku Hungooben , Hamigii & Rajadii Ay Qabeena “Noqotay Niman Quus aqoon Naftiisa quusa”.waxana intaa udheer korontadii oo cilad farsamo lasoo dariistay.

Lasooco Qaybta 2aad……
By: Dr,Ahmed Hassan Abdillahi
Mobile: +252-63-4364144
Email.somaliland4ever.vet@gmail.com

COMMENTS
Latest News