Saxilnews.com
Qiiro la cuskaday qiil ma noqotaa….
July 29, 2017 - Written by admin

Geelu isagaa xayawaanka ugu adkaysi badan waa loo kal tiriyaa caawo kale markay ceelalyadu baxdo ayaa darka loo sii xidhaa dabeed ceel afar shuba ayaa loogu dadegaa raguna siduu u kala adagyay ayaa gunta loogu raaridaa si uu uga soo daro wadaanta kasaruu u soo tuuraa Darkaa loo sii buuxiyaa dabadeed yaryarkii dabadhoonada ahaa buu geelii oo oomani soo hor boodaa intuu hormo xumaysto ayuu biyihii iska daadiyaa markaasuu ninkii gunta ku jiray heesaa Wuxuu dhahaa Derbi caga wayn Darka loo dhigo Waa wax doqono Daysan maysee Way iska dumisa Waxaan uga socdaa maanta maanta xisbiga wadani waa hormoodka asxaabta daba dhoona uma baahna waayo wuu hormo xumaysanayaa wuxuu u baahnayay nin gunta kasoo dara una bisil siyaasada oo miida qaada ee aan noqon sii bilig soo bilig sidii daaha waxaa maalmihii u danbeeyay iska soo daba dhacaaayay taaageerayaal tiro badan oo cudud iyo caqliba kusoo kordhiyay xisbiga cid kastoo diyaar u ahna way mudan yihiin in lasoo dhoweeyo haday yihiin madaxdii hore dalka iyo kuwa danbeba albaabaduna way u furan yihiin Ninka maanta salaanka xisbiga wadani ka dhacana waxaan u arkaa nin nasiib daran Danjire mohamed abdirahm G/dhalinyarada x/wadani germany

COMMENTS
Latest News