Saxilnews.com
QAYBTA-4 Sheekadii guursataye maxaad…
July 8, 2017 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews.com)-Sheekadii guursataye maxaad…

Waxaa la kariyey dhamaan hilbihi iyo rashinkii kale waxaana dilacay waagii, waxa imaaday dad badan oo ka socda labada dhinac iyo dad cunada inay cunaan u imaaday waxa la galay shaqo badan onan halkan hadal ugu soo koobi karin, waxa imaaday rag uu ku jiro ninkii odayga ahaa ee lay sinayey, waxaana la galiyey meel si gaar ah loogu hagaajiyey, waxaana la socday sheekhsiyaad aan badnayn, waxa loo geeyey cunadi iyo waxay cuni kareen waxaana halmar dhagahayga ku soo dhacay durbaan iyo mashxarad aan tiro lahayn waxaan maqlay waa la maheriyey Xawo-Luul mansha Allah, ilahow qoyskeda barakee iyo hadalo kale oo duco aha aniga waan oyey oo waxan gaaray in xata neeftu igu dhagto oohin daradeed, Alla maxan mashxarada iyo durbankasba ii noqday waxan dhibsado nolashaydana maxay sii adkatay Alla ma maantan noqday Xaas ninwayn Alla maxaan galabsaday oo layga jaraya ayey naftaydu ku dooday.

Halkaas ayey inoo maraysay sheekadeenii la magac baxday Guursadayee_Maxaad_Uurka_U_Xaaqday, Qaytii kale waatan aqris wanagsan qaybta labaad

Q4.

Waxaa qolkaan ku jiray iI soo galay dhowr haween ah oo ka socday dhanka iyo ninka laygu daray waxay i dhaheen i waran gabadha mesha isku duudubaysay maxaad la oynaysa oo meshan ugu xirantahay adigaba nasiib leh oo nin wanagsan oo ku dhaqan kara lagu siyey Allelahay inaad laba ragcadood oo salaad ah tukato ayay ahayd ood Alle ku xamdido ee ma ahayn sidii gabadh laga geeriyooday aad halkan oohin la fariisato marka inanu ku baranaan rabna oohinta naga jooji oo nala shekayso waxaanu nahay ninka walalihiiyee aniga lama hadal balse aya ku waxay donan ayey ku hadlayeen anigana wanka amusana waayo mabahaynin naf aanku jadlo jidiinkana waa i qalalnaa waxaan samayn karayo ayaaba iska yara markay igu daaleen bay iska baxeen.

Hooyaday, habaryartay iyo edaday ayaa markii xigtay ii imaday waxayna i dhahen is diyaari waxaan ku gaynayna Goobtii cilan saarka waxaa lagu galbinaya caawa ee howshii maherkuna waxay ku dhamaatay wanaag ee hoyaday ayaa waxay kaloo i tiri waan ogahay malmahan inadan wax cunin ee ha is wareerin waxaad soo garto cun oo hadaynin hada waxaad tahay marwo nin qabo aniga iyo abaha midna xilnagama kaa sarno wanu ku so korinay maantana si wanaagsan ayaan kuu guurinay marka hooyo Alle ha ku barakeeye qabayso dhar xiro waanku ka xaynaynaa waxaan ku soo diyaarin waxaad cunto iyo waxaad cabtee.

Waan qabaystay waana is diyaarshay waayo walayla socdaa waana lay wada hadaan diidmo muujiyo waxa lay garacaya si naxariis dara ah, waxay hooyaday ii keentay cuno iyo caano balse waxan naftaydu rabto malahan waxan dhahay hooyo wax aan rabo malahan cunaana madoonayee iska kaydaya, balse waxay i dhahday hadaadan cabin waxna cunin iska jir abaha ayaan kuu sheegaya ee cabsi aan ka qabo abahay ayaan isku qasbay cunadi canihiina waxoga ayaan ka cabay kadib ayaa lay soo kexeeyey salonkii oon sidas noga fogayn, waxana lay saray cilaan iyo in lay qurxiyo waxaa salonka la keenay gabdho i ilalsha oo waalidkay idaba dhigeen.

Waxaan ku dhax oyaa saalonka dhaxdiiisa gabadha i diyaarinaysay ayaa kolba i amusinaysay oo i siinaysay hadalo dhirigalin ah wax kasta waala arka wayna kugu dhacaan waxaad samayn karti malahan waad aragtaa sida laguu ilaalinayo meel aad ka baxsato malahan ee walashay niyada dajiso ilahay ayaa ku siinayo faraj wanagsan aniga waxaan kuu qaban karo malahan halka wax een kuu sheegayo waa adkaysi iyo calool adkayn inaad samayso mida kale nolasha ayaba sidaas ah maxaad soo kordhin karta hadaad oyso ood cuno diido aniga walashaa oo kalan ahay kuma faraxsani guurkagan balse ilahay bari in wanaag kale kugu badalo.

Halkaas haynoo joogto sheekadeenii la magac baxday, Guursadayee maxaad Uurka u xaartay. La soco qaybta 5-naad habada maxaad dareemaysa aqriste maxad iswaydinaysaa.

Caways wanaagsan by Zubeer Haybe……

COMMENTS
Latest News