Saxilnews.com
“QARANKAN NIN QORI SITA AYAA LAGA XOREEYEY , QALIN WIIL MUDAKAR AH SITANA WAAN KA XOREYN DOONA ” WASIIR MAXAMUUD XAASHI OO WARBAAHINTA QAAR U HANJABEY 
September 9, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (Saxilnews):- Wasiirka  madaxtooyada Somaliland Maxamuuud Xaashi Cabdi ayaa waxaa si kulul uga hadleu warbaahin    uu sheegay in ay si khaldan  warar uga baahiyeen  heshiiskii ay dhawaaan xukuumada Somaliland la soo gashey shirkada Dp World taas oo maamuli doonta dekada Berbera

 

Wasiirka ayaa waxaaa uu warbaahintaasi ugu hanjabey in ay dalka ka xoreyn doonan isla markaana ay sharciga la tiigsan doonan isaga oo ugu soo hal qabsadey in dalkan laga xoreeyey nin qori sita waxaana uu yidhi

“Wiilka qalinka mudakarka ah sita ee sida khaldan wax u baahinaya ee doonaya in u dalkan budhcad badeed ku noqdo waa ka xoreynaynaa dul baanu u leenahay dhaliisha iyo ceyda madaxweynaha qarankan iyo marwadiisa ayaa maalin walba la cayaa dul baanu u leenaay toosin iyo dhaliil intaba waanu ogol nahay

Warbaahinta madax banaani xaq uma laha in ay ciday doonto ceydo , ciday doontana nashuushadeyso , balse wax u madax banaan yahay in aan la cabudhin oo uu warar xaqiiqo ah soo saaro , sifo sharci ah baan uga qabaneynaa  , qarankan waxaa laga xoreeyey nin qori sita , qalin wiil mudakar ah sitana waan ka xoreynaynaa qaranka” ayuu yidhi wasiirku

COMMENTS
Latest News