Saxilnews.com
QARAN JANJEEDHA QALINKII GARYAQAAN CABDALE DAHIR ADAN BARTAY AQOONTAKA XEERARKA
March 4, 2015 - Written by admin

Hubaal weeyi halka naftu haybisaa in ay tahay halkii aan ku dhashay iyo dadkii aan ka dhashay, kuwaas oo dhamaantood aad iigu han-weyn, in aan mar uun u soo laabto, si aan ugu gudo wax yar oo ka mida wanaagii ay igashadeena aan ugu celiyo, taasi waa mida dhabta ah ee aan ugu soo laabtay dhulkayga hooyo Somaliland.

Hadaba qormadan waxa aan ugu talo galay in ay weydiimo badan, soo dhigto madasha bulshada Somaliland, kuwaas oo ah kuwo laabtayda ka guuxayay intii aan qarankeena dibada aan uga maqnaa, waxana ay noqonayaan, kuwo, dhaba ahaantii aad u xanuun badan, oo u baahan in

wadarnimo lagu furfuro, taasina waxa ay si dhaba ugu taagan tahay maragna ugu tahay in weydiimahani  yihiin kuwo dhamaanteen inoo wada yaala, iyada oo se hogaanka hadaba qarankeena hagayana ay si gaara ugu taalo.

1-      Ma gar baa in qarankeenu uu ahaado mid indho la’a?

Dhamaan qaramada dhigeen ah ee aan rabno in aan dhaafnaa, uma dhaqmaan habkan aan keena u maamulno, ee dhamaan waxa hagaa waa qorshe, kaas oo leh, xubno hawleedyo, oo u kala qaybsan dhamaan waaxyaha qarankaasi ka kooban yahay, waana waxa ay ku wada hawl-galaan, waxana intaas u dheer fulinta qorshahaas oo ah himilada iyo halka ugu dambaysa ee ay dhamaantood u wada socdaan.

Weydiintaas waxa ka dhashay waa in qarankeenu yahay, mid ku dhisan qof, waxana taas ka sii dhashay in aanay korin dhamaan waaxaha qarankeenu, halista ugu weyn ee taas ka dhalatayna waa in qarankeenu aanu lahay lug ka mida lugaha qaran ku socodo.

Waxa kale oo taas feedh-yaalana waxa weeyi in qarankeenu uu ka baxo, qofnimada uu ku dhisan yahay, oo uu u guuro in uu noqdo qaran ku taagan Waaxo, waxana taas ka sii mudan in wax kastaa ay ku taagan tahay qorshe, taasian waxa ka sii dhalanaaya, in qarankeenu si dhaba u helo lug ka mida lugaha qaran ku socdo, waxana intaas oo dhan ugu mudan oo meesha ay ka saaraysaa, weydiinta ah qarankeena Somaliland ma yahay mid sii jiraaya? Mase yahay mid ku guulaystay qaranimadiisa?

Waxa kale oo aan intaas ku xoojinaya midan ah, dhamaan qaramada afrika badankoodu, waxa ay ka war-celin waayeen qaranimadooda, waana ta keentay in ay yihiin qaramo kaliya u jira magac, ee aanay jirin hadoodilkii qaran lahaa, taasina waxa ka sii dhashay, in qarankoodu yahay magac kaliya ku yaala jaan-tuska aduunka, taasna waxa ka sii dhashay, in ay meesha ka baxdo, yuhuuntii ay bulshadu ku qabtay qarankooda, taasina waxa ka sii dhashay, in dhamaan bulshadu aanay ku xidhin jiritaankooda qarankooda, ee ay ku xidhan jiritaankooda beesha uu ka dhashay ama diinta uu haysto, waxa kaliya oo ay tahayna waa, isaga oo ka waayay qarankiisu in uu u dhawro milgaha qofnimadiisa.

Waxa kaliya oo aan taas ku xidhayaana waa in aan wax badan aan ka barano, geediga qaramada dhigeen ahi u galeen in ay isku xidhan aayaha dadkooda iyo kana qarankooda, waana halka ay ku kala hadhaan qaramadu, waana ta keentay in bulshada qaar ay ku dhaatan qarankooda, qaar kalena ay ku dhaadan waayan, waxa kaliya oo ay taasi u dhacdayna waa in hogaanka qaranka hayaa, aanay si dhaba isku weydiin, waxa uu yahay qaran? Iyo waxa uu u taagan yahay qaranku? Iyo waxa laga rabo qaranka? Taasina waa ta keentay in bulsho ku dhaadato qarankeeda mid kalena ay ku dhaadan weydo qarankeeda, oo ay gaadhay heer in uu qofku raadsado qaran uu ku dhaato, kana dhigtay sheegashada qarankiisa mid uu ku xajiimoodo.

 

 

2-      Wada-jirka aqooneed ee bulshada Somaliland

Waa mid ka mida halista ugu weyn ee qarankeena haysata, waxana taas ka dhashay in heehaab aqooneed uu ku dhacay bulshada, waxana ka sii dhashay in bulshadu u aqoon doonato meelo halis ku ah jiritaanka qarankeena, waxana dhaba oo qaran loo samaystaa waa in uu dhawro is-raacsanaata aqooneed ee bulshadiisa, taasina waxa ay ka dhalatay, mar hadii qarankii u taagan yahay dhawrida is-raacsanaanta dhulkiisa, in uu ilaasho is-raacsanaanta aqooneed ee bulshadiisa, waxana tan ka dhashay in uu diyaariyo, qorsheeyo, fuliyo, daba-galo, dhamaan aqoonta soo galaysa qarankiisa, waxana tan ka sii baxaya waa in uu dhawro aqoonta u gaarka ah bulshadiisa, kana dhawro halis kasta oo aqoontaas wax yeeli karta, isaga oo aan ka tagayn in uu qaato aqoonta kaabaysa aqoonta qaranku leeyahay.

Hadaba waxa ugu weyn ee  ka dhalan karaana waa in ubadkeenu aanay kalsooni ku qabin qarankooda, oo waxa meesha  in waalidku ku guul-daraystay, in uu u gudbiyo, dhaxalka aqooneed uu uu ka sido wiilkiisa awawgii, waxana ka sii dhashay in uu go’ay xidhiidhkii aqooneed ee u dhexeeyay wiilka iyo cida uu ka soo jeedo, waxana dhaba in aanu aabo yeelayn in cid kale u koriso aqoonta ubadkiisa, hadaba hadii ay taasi dhab tahay, maxaa keenay in bulshadeenu u aqoon-doontaan meelo aan ahayn aqoonta aan gaarka u leenahay? Ogaadana aqooni aqoon maaha hadii aanay ka war-celin, banaankana aanay soo dhigin, aqoonta gaarka u ah ee ay kaga gadisan tahay aqoomaha kale, waxa kale oo dhaba oo tan ka sii dhashayna waa in aqoontu tahay waxa ay bulshaba in ku soo ladhay, waana waxa ay bulshooyinku ku kala gali ogyihiin soo-yaalka aqooneed, hadaba hadii aan nahay bulshada Somaliland maxaan ku soobiirinay aqoonta taal aduunka? Weydiintaasina waa mid inoo wada taal, waxana ay tahay oo weydiintan ka dhshay, in aan dagaal adag oo aan gabasho iyo gaabsi lahayn aan u wada galno dhawrida aqoonta soo-yaalka ah ee aan gaarka u leenahay, iyo in aan aqoontaas u gudbino ubadkeena, oo aanay kala hadhin wiilka iyo awawgii.

Waxa kale oo aan taas ku xidhayaa waa in aan diyaarsano lug ka mida lugaha qaran ku dhaqaaqo, oo ah is-raacsanaanta aqooneed ee bulshada qarankaas wada leh, waxana dagaalkaas xaabo u ahi waa aqoon-yahanka bulshada, waana kaalinta ay ugu jiraan bulshadooda, oo u dhiganta halka ciidanka qaranku ugu jiraan qarankeena, ee ah in ay dhawraan is-raacsanaanta dhuleed ee qarankeena, waxana aqoon-yahanka looga baahan yahay in ay taas ciidanka la barbar galaan, oo iyaguna ay gaashaan u noqdaan dhawra, halistana ka dhawra is-raacsanaanta aqooneed uu bulshadooda.

Waxa kale oo weyiimahaas laga rabo in aqoon-yahanku uga war-celiyo bulshada, oo ah qofka somalilander ka ahi waa kuma?

Maxay ku taagan tahay aqoontiisu?

Habkuu wax u arkaa?

Aqoontiisu maxay kaga duwan tahay aqoomaha kale ee bulshooyinka dhigiis ahi leeyihiin?

Habkay u dhadhantaa aqoontiisu?

 Waa maxay habka uu ku diido ama uu ku qaato aqoon kale?

Waa tee aqoonta uu qaata?

Muxuu se ku qaata?

Hadiiba se uu diido aqoon muxuu ku diidaa?

Waxa kale oo dhamaan weydiimahaas ka sii mudan habkee ayuu u dhawrayaa dhadhanka dhabta ah ee aqoontiisa? Ogaadana waligiin hadii bulsho ay weydo dhadhankeeda aqooneed, bulshadaasi waa bulsho lagu guulaystay in la milo, taasna waxa ay marag cad u tahay in bulshadaasi ay ku jabtay dagaalkii dhabta ahaa, ee ahaa is-raacsanaanta aqooneed ee bulshadeeda, waxana ku xiga taas in ay ku jabot is-raacsanaanta dhuleed ee qarankeeda.

Hadaba intii aan wadanka ka maqnaa waxa ugu weyn ee qarankeenu guul dhaba u gaadhi waayay waa labadaas qodob oo gabi ahaanba meesha ka maqan, waxa kale oo meesha taal in hawshaasi aanay ahayn mid u taal bulshada ee ay tahay mid u taal hogaanka kulmiye, waxa kaliya oo bulshada u yaalana ay tahay in ay kula shaqeeyaan qorshahaas.

Waxa kale oo aad u mudan inta ay maqan yihiin labadan qodob in qarankeenu uu ku jiraayo janjeedhkaas, oo hadii aan la toosin halis galinaaya jiritaanka qarankeena.

 

                          Qalinkii  Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

                                     Bartay Aqoontaka Xeerarka

                                                1/03/2015

Fikirka Iyo Faalada Bulshada Naga Faquuqan

COMMENTS
Latest News