Saxilnews.com
Qaramada Midoobey Oo Digniintii Ugu Cusleyd Ka Soo Saartey ……
March 11, 2017 - Written by suxufi

New York (Saxilnews):- Madaxa hawlaha bani’aadminimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in

dunidu ay wajahayso dhibaatadii bani’aadminimo ee ugu weynayd tan iyo markii la aasaasay Qaramada Midoobay 1945kii.

Image result for qaramada midoobay

Stephen O’Brien ayaa u sheegay golaha amaanka in tiro ka badan 20 Malyan oo qof oo ku nool afar dal oo kala ah Suudaanta koofureed, Yemen, Soomaaliya iyo Nayjeeriya ay wajahayaan gaajo iyo macaluul, haddii aan la helin dadaal loo dhan yahay oo caalami ahna ay dad badan dhiman doonaan.

Mr O’brien wuxuu sheegay in baahida ugu daran ay ka jirto Yemen, halkaasoo 3 meelood oo meel dadka dalkaas ku nool ay khatar ku jiraan, ayadoo xaaladdana ay sii xumaanayso.

 

Waa digniintii ugu dambaysay ee ka soo baxda Qaramada Midoobay oo ah in aysan haysan imkaaniyaadkii ay wax uga qaban lahaayeen mushaakilkan sii darsanaya ee dalal badan ka jira.

COMMENTS
Latest News