Saxilnews.com
Qabashada Doorashadii Golayaasha deegaanka Ee Dalka waa mid kamid ah Waxyaabaha Taariikhda U Galay Madaxwyne Siilaanyo.Part 1
May 26, 2015 - Written by admin

Doorashadii golaha deegaanka ee dalka jamhuuriyada Somallinad ka Qabsoontay am aka hir gashay sanadii 2012 waxaa ay ahayd mid kamid ah talaabooyinka Geesiniimada ah eek u dhaqaaqay isla markaana u hirgaliyay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Taasoo Hore uu ugu balan qaaday Madaxweynahu xiligii Olalaha doorashooyinka Madaxtiniimada Somaliland lagu jiray iyada Oo arintaasi uu ka dhabeey isla markii uu kursiga talada wadanka Somaliland uu la wareegay Xisbiga Kulmiye arintaasoo noqotay mid lama ilaawaanah isla markaana shacabka iyo aqoon yahanka Somaliland iyo guud ahanba Bulshada calamku ay u riyaaqeen arinta qabashada Doorashooyinka Golayaasha deegaanka ee dalka Jamhuuriyada Somaliland.
Qabashada Doorashada Golaha deegaanka Dalka Jamhuuriyada Somalliland ayaa waxaa Kasoo qayb galay ururo badan iyo Shaqsiyaad kala duwan Oo dalka ka caan ah iyo iyo kuwa kaleOo Hankoodu Siyaasadeed damacsanaa inay maruun furtaan Xisbi amaba Ku tartamaan Jagada Madaxaweyne niimo ee dalka ugu saraysa arintaasoo dad badani maanka ku hayeen isla markana ay rajaynayeen ina maalin uun Kasoo qaybgalaan doorasho, Sida aynu kawar qabnana waxaa wadanka Somalliand waxaa Dastuurkiisu ku uu Ogalyahay inay dalka ka jiraan Axsaab kala duwan Oo Mucarid iyo Muxaafidba iskugu Jira isla markaana aan kabadanin 3 Xisbi qaran iyadoo la eegaayo arimo kala gedisan Hadii intaa laga badin lahaa Kuwaasoo ay kamid yihiindhinaca dhaqalaha iyo Mujtamceena Oo aan aad ugu bisaylin arimaha Siyaasada iyo Nidaamka Dimuquradiyada iyo Axsaabta faraha badan.
Iyada Oo taa laga duulaayo Hadana aan laga maarmin tartan Doorasho Oo xor iyo xalaal ah ayaa waxaa Fursad uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Siilaanyo Uu ugu Baaqay isla markaana Chance, Loo siiyay Oo si geesuniimo leh u Saxeexay kadib markii uu tixgaliyay xaqa muwaadiniinta Somaliland ay uleeyihiin inay si sharci u muujiyaan hankooda iyo dacooda Siyaasadeed ama inay Furtaan Axsaab iyo ururo kala duwan Oo ay kaga qayb masraxa siyaasada Somaliland iyo kursiga madaxtiniimada.
Hoodo Ayaan
hoodo.ayaan90@gmail.com

COMMENTS
Latest News