Saxilnews.com
Qaar Kamida Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Beesha Bariga Hargeysa Oo Eedo Culus Usoo-jeediyey Wasiir Warancade
November 7, 2015 - Written by admin

Hargeysa (saxilnews)_Qaar Kamida Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Beesha Kaliil Isaxaaq oo kamida Beelaha Bariga Hargeysa ayaa eedo culus usoo-jeediyey Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Warancade

Dhalinyaradan ayaa kulan ay maalintii shalay ku-yeesheen magaalada Hargeysa waxa ay kasoo sareen Bayaan ka kooban dhawr qodob oo ay eedo ugu soo-jeediyeen Wasiir Warancade kaas oo ay sheegeen inuu faragalin hoose ku hayo arimaha reerkooda.

Dhalinyaradan ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto tabasho balaadhan oo beel ahaan ay ka tirsanayaan Xukuumada Siilaanyo.

Bayaanka ay soo saareen dhalinyarada Beesha Kaliil Isaxaaq ayaa waxa uu u dhignaa sidan

1.Waxa aanu dhaliil mug weyn halkan uga soojeedinaynaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md.Cali Warancade oo beeshayada ku haya faragalin baahsan oo dhinac walba ah, Wasiirka oo shirar badan oo uu la galay Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Beesha kaas oo kaga baxay balanqaadyo iyo goaamo badan oo kulamadaas laysla qaatay.

2.Beesha kaliil Isaxaaq waxa ay si weyn uga biyodiidsan tahay Maamulka Degmada Sabawanaag oo cid gaar ah gacanta ugu jira kaas oo ay beeshu si degdeg ah uga tashan doonto arinka Degmada Sabawanaag

3.Waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanu Cali Warancade matalin Beesha kaliil Isaxaaq, Isla markaasina beeshu aanay marnaba Xukuumada Madaxweyne Silaanyo ka helin saamigii ay xaqa ulahaayeen,taas oo ay beeshu taageero xoogle siisay Xisbiga Kulmiye waqtigii uu Mucaaradka ahaa isla markaasina ay beeshu tixgalin iyo sharafba ay u hayaan Madaxweyne Silaayo iyo Xukuumadiisaba taaso aanu uga fadhino wixii aanu beel ahaan xaqa ugu lahayn

Magacyada Xubnaha Soosaaray Bayaankan

1.Jaamac Cabdi Xasan

2.Axmed Xuseen Maxamed

3.Cabdi Faysal Cali

4.Cabdalle Cali C/laahi

5.Maxamed Cumar Qadeeye

6.Siciid Maxamed C/laahi

7.C/qani Axmed Cali

Allaa Mahadle

 

COMMENTS
Latest News