Saxilnews.com
Qaar Ka Mid Ah Shirkadaha Korontada Ee Magaalada Hargeysa Oo Cadho Ka Muujiyey Arin Ugub Ka Ah Oo Uu Sameeyey Musharax Muuse Biixi .
June 29, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Qaar ka mid ah shirkadaha laydhka u shida magaalada Hargeysa ayaa waxaa aycabasho ka muujiyeen arin ugub ku ah dalka oo uu sameeyey Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi

 

Warkan oo shabakada Saxilnews.com ka soo gaadhey ilo xog ogaal ah isla markaana arintan u dhuun daloola waxaa ay sheegen in arintani ay tahay Muj Muuse Biixi ayaa waxaa uu dhawaan madaxtooyada ka codsadey in aqalkiisa ku yaala Shacabka la galiyo isla markaana jiido laydhka u baxa madaxtooyada oo ah mid aaney shirkadii u shidin oo aaney lacag ka qaadin balse ay u shidaan laba mashiin oo madaxtooyadu leedahay

Madaxtooyada ayaa la sheegay in dalabkaasi Musharax Muuse Biixi ay ka aqbashey isla markaana aqalkiisa shacabka la galiyey laydhkii looga jiidey mishiinada madaxtooyada lagana jaray laydhkii ay siin jireen shirkada korontada ee Hargeysa

Arintan ayaa waxaa cabasho ka muujiyey shirkadaha korontada Hargeysa kuwaas oo ku ashkatootey isla markaana ku cawdey in madaxtooyadu ay bilowdey laydh galin xaafadaha ah

Balse Waxaa shiradaha lagu qanciyey in aaney madaxtooyau bilaabin in ay laydhka u qeybiyo laydhka u baxa balse au Guriga Muuse oo kaliya loo galiyey

Dadka reer Hargeysa ee arintan maqlay ayaa waxaa ay sababta uu Muuse arintan u sameeyey ay ku sifeen in ujeedka Muuse iska jaray laydhka ay u shidaan shirkadaha Korontadu isla markaana Laydhka madaxtooyada u shitey ay tahay isaga oo ka caraaraya qarashka kooban ee shirkadahaasi ka qaadan bishii ee ah inta Kilo WT ee uu laydh ahaan u isticmaalo

COMMENTS
Latest News