Saxilnews.com
Odhaahda Rayi Caamka Bulshadda Reer Somaliland Oo Ku Baaqaya In Aanay Asxaabta Mucaaradka UCID iyo WADDANI Ku Tartamin Doorashadda Jawi Noocan Ah.
September 24, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 Hargeysa (Saxilnews)- Qaybaha kala duwan ee bulshadda reer Somaliland ee ku kala dhaqan guddaha dalka iyo dibediisaba, ayaa ugu baaqay asxaabta mucaaradkaa ee WADDANI iyo UCID in aanay ku tartamin doorashadda intay jiraan
 qoddobadda ay fikir ahaan u arkeen inay khater ku tahay helitaanka ama jawi dhexdhexaad ahi ku dhacdo doorasho xor oo xalaal ahi ay caqabad ku yihiin.
Qoddobaddan ay shacabku ka dhawaajinayaan ugana digeyaan asxaabta mucaaradka inay ku galaan doorashooyinka soo socota ee Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladda Somaliland ilaa inta wax laga qabanayo qoddobadan. Iyagoo ugu baaqay inay qaadacaan hadii wax laga badeli waayo.
Waxay u dhignaayeen qoddobadani “~Golahii Wakiilada oo la xisbi xaakimeeyay loona kordhiyay muddada.
~Haddii UCID garabka faysal loo xukumo.
~Lacagtii Komishanka oo 100%, xukuumad bixinayso.
~Wasiirka Maaliyada iyo Taliyaha ciidanka qaranka oo la hayb ah musharaxa Kulmiye.
~Odayaasha Guurtida oo u dhego nugul xukumadda.
~Beeshii caalamka oo gebi ahaanba kaalinteedii doorasha laga saaray.
Haddii xaal sidaa noqdo, waana sida KULMIYE u fekerayo, doorasho maaha waa caleemo-saar, waxa WADDANI iyo UCID u furan inuu qaadaco doorashadda”.

COMMENTS
Latest News