Saxilnews.com
Obama oo Aqalka Cad ku Marti-galinaya P. Francis
September 23, 2015 - Written by admin

1618AC1F-C12E-4EEB-9909-70428F56B858_w268_r1Wadaadka ugu weyn diinta masiixiyadda ayaa Talaadadii shalay soo gaaray dalka Maraykaka, isaga oo ka soo degay xerada ciidanka ee Andrews ee Washington, isaga oo ay ka hortageen madaxweynaha Marayanka Barack Obama, kuxigeenkiisa Joe Biden iyo labadooda xaas.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay kulmaan madaxweyne Obama iyo Pope Francis, iyaga oo markii ugu dambeysay ay xarunta Vetican-ka, bishii March ee sanadkii 2014. Hase yeeshee waa markii ugu horeysay ee wadaadku ay cagta soo dhigto carrada Maraykanka.

Arbaca maanta ah ayaa madaxweyne Obama iyo Popeku ay ku kulmayaan Aqalka Cad, iyada oo soo dhaweyntii rasmiga ahayd loo sameynayo. Waxaa xafladda ka qeyb gali doona dad lagu qiyaasay 1500 oo qof.

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News