Saxilnews.com
NUXURKA KULAN MADAXTOOYADA KU DHEXMARAY MADAXWAYNAHA LA DOORTAY MUUSE BIIXI IYO CALI KHALIIF GALAYDH
November 24, 2017 - Written by editor

idee ayay Xukuumadda Muuse u wajihii doontaa fullinta heshiiskii Khaatumo iyo Xukuumadda Axmed Siilaanyo dhexmaray?
Hargeysa (saxilnews.comHaqabtirenews)-Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay qasriga Madaxtooyada kula kulmay Dr Cali Khaliif Galaydh

sida ay ogaatay shabakadda Sayruuqnews. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka labada dhinac sidoo kalena ma jiro xogo ka soo baxay arrimaha laga wada hadlay.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dadaal dheer ku bixiyay sidii bulshada gobollada barigu qayb uga noqon lahayd siyaasadda Somaliland waxaanu heshiisyo salka ku haya wax wada lahaansho la gaadhay hoggaamiyaha Khaatumo Dr Cali Khaliif kuwaas oo la filayo in ay meelmaraan muddo xilkeedka madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi.
Xukumadda uu soo dhisi doono Madaxweynaha la doortay ayaa indhaha lagu haya sida ay uga dhex muuqdaan gobollada darafyada oo mucaaradku ku xoog badna waxaana la rumaysan yahay in kulanka Dr Khaliif Iyo Madaxweyne Biixi salka ku hayo saamiga barigu ka helayo xukumadda soo socota iyo ajandeyaasha Dr Cali khaliif ee mustaqbalka oo ay ka mid tahay in dastuurka la furo si loo fadhiisiyo saamiga Somaliland ee qaybsiga kuraasta sare

COMMENTS
Latest News