Saxilnews.com
Nooca Uu Yahay Heshiish Ku Baxaya $ 60 Milyan Oo Ay Madaxweynihii Hore Ee Maraykanka Barack Obama Iyo Xaaskiisu La Galeen Shirkad
March 2, 2017 - Written by suxufi

Washington (Saxilnews):- Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo Xaaskiisa MichelleObama ayaa heshiis la galay shirkada daabacda buugaagta oo la yiraahdo Penguin Random House.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing

Shirkadda waxay daabici doontaa laba buug oo ay qori doonaan Obama iyo Michelle.

“Shirkadda waxay heshay xuquuqda dabaacada labadd buug oo ay qori doonaan madaxweynihii hore iyo xaaskiisa’ sidaasi waxa sheegtay Penguin.

 

Weli lama shaacin fahfaahinta heshiiska iyo cinwaanada buugaagtaas, balse waxaa la aaminsanyahay in heshiiskaasi uu ku kacayo lacag ka badan $60 milyan oo doolar.

Mr Obama wuxuu horey u qoray laba buug oo la kala yirahdo Riyooyinkii Aabahay (Dreams from my father) iyo ku Dhiiranaanta Rajada (Audacity of hope).

Xaaskiisa Michelle Obama ayaa iyaduna waxay qortay buug ay u bixsay cinwaanka American Crown oo ka hadlaya cunnada iyo beeraha.

“Hadaladooda iyo hoggaan wanaagooda ayey wax uga badelaan dunida maalin walba, marka waxaan rajeynaynaa in buugaagta aan daabicidoonno si la mid ah sidaasi ay iyaguna wax uga badeli doonaan dunida.” Sidaas waxa yiri madaxa shirkada daabacaada buugaagta ee Penguin Random House, Markus Dohle.

Wuxuu intaas ku daray “Waxaan hadda ka war dhowreynaa in aan la shaqeyno madaxweynihii hore iyo afadiisa si aan u hubsano in buugaagta ay qori doonaan ay gaaraan caalamka, muhiimad weynna ay yeeshaan”

COMMENTS
Latest News