Saxilnews.com
Nolol La Xasuusto – Qeybtii 8aad – Siciid Maxamed Gees
January 26, 2017 - Written by admin

 

Hargaysa (Saxilnews.com)-Markii waxbarashadii ii dhammaatay sanadkii 1964, ayaan la kulmay arday Reer Baraawe ah, Iikaar Baana Xaddaad oo isna waxbarashadii dhammaystay oo dalkii u socda. Waxa aannu isku raacnay inaan markan dhulka iyo badda marno oo aannu sii dal baranno. Waxa aannu tareen iyo dooni u raacnay dalka Faransiiska iyo magalada Baaris (Paris). Waqtigaas ma jirin tareenka badda hoostiisa mara ee Iglan iyo Faraans isku xidhaa, doonyo ayaa dadka iyo baaburtaba mootin jiray. Magaaladii Baris (Paris) waxa aan ka goosanay tigid ilaa Talyaniga ah iyo magaaladda xeebta ah ee Jinawa (Genoa). Halkaas oo markab dalxiiska ah oo dhawr kun oo rakaab ah qaadda aanu ka racaai lahayn. Waxa dhacday in gabadhi tigidhada tareenka jaraysay ay na af garan wayday oo noo geysay tigadho tareen tegaya Jineefa (Geneva) oo dalka Iswisterland (Switzerland) ku taalla. Meel dhexe markuu tareenkii nala marayey ayaa nala saxay oo dib naloo soo saaray mid Jinawa (Genoa) iyo meeshii aan ku soconay u socda. Waqtigaas waxa Genoa ku yaallay sagaal dekedood oo midkood la yidhaahdo Somalia.

Annaga oo meel xeebta fadhina oo daawanaynaya maraakiibta is-dhaafaysa, ayaa waxa noo soo muuqday nin oday ah oo maariin ah oo ul ku tukubaya. Inankii ila socday Iikaar Baana Xadaad ayaan ku idhi; ‘Ninkaasi waa Soomaali.’ Markii uu noo soo dhowaaday ayaannu hadalkii kor u qaadnay, intuu istaagay ayuu Af-soomali nagu yidhi; “Waar ma Soomaali baad tihiin?”

“Haa,” ayaanu ku nidhi, dabadeed waa is waraysanay, kadibna waxa uu noo sheegay inuu yahay nin Habar-Awal ah, oo uu ku dhashay Hargeysa, oo uu ka mid ahaa askartii Talyaaniga, kadibna uu halkan ku hawlgabay. Laba gabdhood oo halkan ugu dhashay waxa guursaday Talyaani oo hadda isma aragno ayuu nagu yidhi. Dalkii ayaan ugu warramay iyo in dawlad Soomaaliyeed ka dhalatay. Waxan si gaar ah uga waramay Hargeysa iyo sida ay u kortay oo buurihii dushooda la dhistay hadda waa lixdankii iyo afartii!

Markabkii ayaannu raacnay ilaa Cadan isaga oo magaalooyin badan sii maray Badda Cad, Badda Cas iyo Badda Gacanka Berbera ee hadda dunidu haybinayso. Waxa labada dhinacba kaga teedan waddanno Carab ah marin badeedkaas dheer ee Masar ka bilaabma.

Kun iyo siddeed boqol (1800) oo rakaab ah ayaa la socday markabka oo dalxiis ah, magaalo guuraysa ayuu ahaa, oo dabaqyo kala sarreeya leh. Shineemooyin, cawaysyo, meelo laga cuntooyo oo kala duwan meelo kubadda lagu ciyaaro, meelo lagu dabaasho wixii naftu jeclayd ee berriga laga helayey ayaa ku dhammaa.

Cadan waxan uga gudbay Hargeysa, dabadeedna Xamar, waxa iigu dambaysay 1951 oo Talyaani xukumo. Markan Calankii Soomaaliyeed ayaa sudhnaa oo Soomaali ayaa xukumaysay. Tollaw siday u xukumaysay? Bal adba!

Waxan shaqo ka bilaabay cusbitaal cusub oo markaas farta laga qaaday oo ay dhistay Beesha Dhaqaalaha Yurub (European Economic Union ama EEC), taas oo hadda la yidhaahdo European Union (EU).

Cusbitaalka waxa dadku u yiqiineen Dig-feer oo ahaa kambanigii dhisay. Waxa uu ahaa cusbitaal casri ah oo aan ku ool waqtigaas Afrika, maxaase ka micna ah 1990 markii Xamar laga qaxay waxa uu ahaa kharaabad bulaacadiisa keliya ayaa laga dhammaan waayey.

Horumar kale ha joogtee, xaafaddo dhan ayaa looga guuray urtii, oo  Maamul Geel-jire ayaa la degay, waxa aan maqlay hadda Turkiga ayaa dib u dhisay, maxayse kuugu taalaa saw dib uma lumayo waa halkii nacaskii eh. Shaybaadhkii cusbitaalka ayaan shaqadii ka bilaabay. Waxa yaab ahayd, dhiigga, saxarada iyo wixii bukaan – jiifka ama bukaan –socdka laga qaado laguma baadhi jirin cusbitaalka shaybaadhkiisa ee Talyaani shaybaadh gaar ah ku leh magaaladda ayaa loo geyn jiray oo soo baadhi jiray oo lacag badan ku qaadan jiray oo lagu naas-nuujin jiray.

Nin dhakhtar oo Jarmal oo Cusbitaalka ka madax ahaa ayaan la socodsiiyey arrintii, deeto wixii qalab shaybaadhku u baahnaa oo casri ah ayaan soo qortay, dabadeed waa la ii keenay. Markaas kadib shaybaadhkii ayaan hawlgeliyey oo Talyaanigii ka joojiyey lacagtii uu qaadan jiray. Waxan hindisay habka lagu soo saaro warbixinta baadhitaanka. Warqad midab cas, warbixinta dhiigga, warqad cagaar ah warbixinta saxarada, warqad cad warbixinta kaadida, taas ayaa hirgashay oo la wada qaatay dalkii oo dhan.

Rafiiqii ama wehelkii aannu England ka wada nimi, waa kala lunay dib isuma arag, haseyeeshee 1974 toban sanno kadib ayey kulmeen wiilkayga Maxamed Siciid oo buugta Af-soomaaliga ee dugsiyada waxa ka qoraya waxa uu ii sheegay in Iikar Baana Xaddad uu sawirada buugta u samaynayey oo macallin ka ahaa wasaaradda Waxbarashadda oo uu dayac badani ka muuqday. Akhirstaw Iikar waxa uu ku soo takhsusay Sawir- gacmeedka laga qoro qoryaha iyo dhagxaanta ama fanka “ Sculpture” loo yaqaan ee dunida caanka ku ah. Dhawr af ayuu ku hadli jiray : Talyaani, Ingiriisi, Sawaaxili ,Carabi, Iyo Somali Iyo Af – Baraawe.Hase yeeshee geeljirihii dalka xukunka kala wareegay khawaajihii ,waxba uma garanayn sawir iyo sculpture iyo fine arts. Ayaan daradda Somali ku habsatay ee ilaa hadda haysataa waa dhaqankii reer miyiga ee geeljiraha iyo qabiilka iyo laandheeraha ku dhisnaa ayaa xukunkii qabsaday oo weli sidii geela loo dhici jiray u haysta in xukunka reer ahaan lagu soo dhaco.

Siyaasi–ku–sheegyada Soomaaliyeed waxay rumaysan yihiin inay dhawr boqol oo ay isku jifi yihiin ay dalka ku qabsan karaan oo ku xukumi karaan! Bulshadii ilbaxa ahayd ee Kismayo, Baraawe, Marka, Xamarweyn, Shangaani iyo Xamar Jajab dhistay ee afgooye dhistay ee Iikar Baana Xaddaad ka soo jeeday waa laga takooray xukunkii, dabadeed waxay ku dembaysay waa la wada arkay meel kasta oo Somali degtoba.

Qosol wuxu ka joogaa

Qubanaha dembeeyee,

Buuraha qarada dheer

Ka arkaaya qiiqee

qarka soo jafaayee,

Haddan Kooyaa! Siduu yidhi Abwaankii – 19/1/2017

COMMENTS
Latest News