Saxilnews.com
Nin qirtay in qof uu casuumay u dilay si arxan darro ah
March 5, 2019 - Written by editor
MelbourneLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMelbourne

Mid ka mid ah hoteellada martigeliya dadka fasaxa taga ayaa qiratay in lagu dilay huteelka qof daganaa.

Dhacdadaan ayaa la sheegay inay ka dhacday meel u dhaw magaalada Melbourne ee dalka Australia, iyadoo la sheegay in sabata loo dilay qofkaas ay ahayd inuu bixin waayey qarashkii uu ku daganaa.

Jason Colton, oo 42 sano jir ah ayaa dafiray dambiga lagu soo eedeeyey ee ah inuu dilka gaystay.

Balse Jason ayaa markii dambe qirtay dilkii uu u gaystay Ramis Jonuzi, kaasoo dhacay bishii Oktobar ee sannadkii 2017-kii.

Maxkamdda dhagaysatay dacwadan ayaa sheegtay in ninka la dilay oo 36 sanno jir ahaa uu ceejiyey Colton, kadib markii uu bixin waayey kharashka oo gaaraya 210 oo doolar.

  1. Safaaradda Maraykanka London oo xaraashaysa agabka suuliga!
  2. Maxay mar kaliya u wada dhawaaqayaan gambaleelada Maraykanka?
  3. Masaabiir ayay ka billowday ganacsi, maantana waa milyan-dheer

Colton waxa uu sheegay inuusan doonaynin inuu dilo uuna arrinka u dhacay si shil ah.

Maxkamadda sare ee ku taalla Victoria ayaa sheegtay in ninka la dilay uu diyaar garoobay alaabahiisana uu diyaarsaday si uu u baxo markii ay saddex nin weerar ku soo qaadeen.

Garsoore Mark Gibson ayaa maxkamadda ka sheegay in Colton uu weerarka ku horreeyey.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Muuqaal laga duubay goobta ay ka dhacday dhacdadaan oo lagu soo bandhigay maxkamadda ayaa lagu arkayay Mr Jonuzi oo lagu soo tuuray banaanka guriga isaga oo si xun loo dilay.

Colton ayaa dafirsan arrinkan isaga oo og in falalka uu gaystay uu qof u dhiman karo, wuxuuna sheegay in kaliya uu rabay inuu miyir la’aan ka dhigo.

Haddii uu aqbalo inuu gaystay dambigan uuna waydiisto cafis waxaa laga yaaba in lagu xukumo 20 sano oo xarig ah, hase yeeshe haddii maxkamadda ay hesho caddeymo isla markaana ku xukunto inuu dilka gaystay waxa uu gali doonaa xabsi daa’in.

COMMENTS
Latest News