Saxilnews.com
Nin Lagu Diley Duleedka Deegaano U Dhaw Deegaanadii Shaqaaqadu Ka Dhacday Ee Degmada Ceel-afwayn Iyo Ciidamada Oo Baadhitaano Wada Kuna Daba Jira Cidii Falka Gaysatay
September 26, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews) Wararka naga soo gaadhay degmada Ceel-afwayn ee gobolka sanaag soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Saxilnews ayaa sheegaya in miyiga deegaano u dhaw deegaanadii ay dhawaan shaqaaqadu ka dhacday lagu diley nin reer miyi ah.

Waxaana sida naloo sheegay ninka ku dhacday rasaas taasi oo sababtay inuu u geeriyoodo.

Ilaa hadda lama garanayo cida dishay ninkan,balse wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in ciidamada booliska iyo kuwa militeriga ee ku sugan deegaanadii shaqaaqadu ka dhacday ay ku daba jiraan baadhitaanan ku hayaan cida falkan geysatay.

Xaalada deegaanadii dhawaan ka dhacday shaqaaqadu ayaa lag soo waramayaa inay tahay mid ay amaanka deegaanadaasi gabi ahaanba la wareegeen ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland.

 

COMMENTS
Latest News