Saxilnews.com
Nin caan ah oo si lama filaan ah lambarkiisa ula wadaagay 16 milyan oo qof
December 21, 2017 - Written by editor
Elon Musk waa nin soo saara qalabka teknolojiyaddaLahaanshaha sawirkaAFP/GETTY IMAGES
Image captionElon Musk waa nin soo saara qalabka teknolojiyadda

Ganacsadaha teknolijiyadda ee dhanka tamabarta iyo gaadiidka, Elon Musk ayaa si lama filaan ah lambarkiisa ugu daabacay Twitter-kiisa oo ay saaxiibo kula yihiin in ka badan 16.7 milyan oo qof.

Elon Musk waa agaasimaha guud ee shirkadaha Tesla iyo SpaceX, ayaa bandhigay lambarka telefoonkiisa, wuxuu doonayay in farriin ahaan uu ugu diro nin lagu magacaabo John Carmack, oo ah madaxa shirkadda teknolojiyadda ee Oculus.

“Ma haysaa waqti aan kugula hadlo? lambarkeyga waa…” Mr Must ayaa sidaa qoray.

Farriinta ayaa si degdeg ah looga tiray Twitter-ka, laakiin dad badan oo ku taxan bartiisa ayaa qortay, qaarna waxay ka qaadeen sawir.

TV-ga CNBC ayaa isla markiiba wacay telefoonka. Marka ay waceen ka dib waxay maqleen farriin ku saabsan game dagaal ah.

“Alle amarkii, waad gaartay,” ayey farriinta ku billaabaneysaa. “Si un ayaad u heshay waddo aad igu soo gaarto. Waan kaaga mahadcelinayaan, waana ku xushmeynayaa,” ayey farriinta ku sii dareysaa.

Ma cadda sababta uu ninkan ku dhashay South Afrika ee taajirka ah, u doonayay in uu la hadlo Mr Carmack, oo Oculus ku biiray 2013-kii, shirkaddana la sii joogay ka dib markii Facebook ay iibsatay sannadkii 2014.

Sikastaba, Mr Carmack wuxuu Twitter-ka ku qoray in uu leeyahay Khibrad wanaagsan, uuna wax badan la shaqeeyay Mr Musk.

Afhayeen u hadlay Facebook wuxuu sheegay in Mr Carmack uusan qorsheyneyn in uu shirkadda ka tago.

Shirkadda Musk waxay ka shaqeysaa safarrada hawada sare, gawaarida korontada ku shaqeeya iyo tamarta laga dhaliyo sollarka.

Bishii Sebtembar wuxuu soo bandhigay gantaal lagu safro oo magaalooyiinka isaga gudbayo, kaas oo dadka u kala duulin karo London iyo New York, 30 daqiiqo gadahood.

Sidoo kale wuxuu sameeyay qorshe dadka loogu dirayo dalxiis ay ku tagaan meeraha Mars, laga billaabo 2024-ka.

COMMENTS
Latest News