Saxilnews.com
Neymar Jr Oo Fariin Hambalyo Ah U Diray Lionel Messi Iyo Asxaabtiisii Hore Ee Barcelona.
December 26, 2017 - Written by Faysal Aadan

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG ee Neymar Jr ayaa xagaagii la soo dhaafay si muran badani ku jiray kaga baxay Camp Nou laakiin inkasta oo xidhiidhkii maamulka iyo jmaaahhiirta kooxdiisii hore ee Barca uu  xumaaday ayuu haddana wali xidhiidh fiican la leeyahay xidigihii ay waqtiga fiican soo wada qaateen oo ay ugu horeeyaan Lionel Messi iyo Luis Suarez. Neymar ayaa fariin hambalyo ah u diray Lionel Messi iyo asxaabtiisii hore ee Barca kadib guushii El Clasico-da.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Lionel Messi fariin muuqaal ah u diray Neymar Jr isla markaana uu xidiga ree Brazil markiiba ka soo jawaabay, laakiin kadib guushii sabtidii ee El Clasico-da oo ay Barcelona 3-0 ugu soo garaacday Real Madrid ayuu Neymar xidhiidh la sameeyay ciyaartoyda kooxdiisii hore sida lagu shaaciyay warbaahinta Talyaaniga ee  CalcioMercato, wuxuuna u diray hambalyo guushii ay  Bernabeu ku soo gaadheen.

Neymar Jr ayaa isla garoonka Santiago Bernabeu ku booqan doona Real Madrid marka la gaadho bisha February xiligaas oo ay PSG kulanka lugta hore ee wareega 16ka kooxood ee Champions League-ga ay la ciyaari doono Real Madrid, wuxuuna kulankan ku tilmaamay mid final ah.

Neymar Jr oo ka mid ahaa xidigaha saamaynta ku yeelan jiray kulanka El Clasico-da ayaa Lionel Messi ugu hambalyeeyay guushii ay ka soo gaadheen Real Madrid isaga oo guud ahaan hambalyo u diray ciyaartoyda Balaugrana ee uu waqtiga fiican la soo qaatay.

Neymar Jr ayaa tan iyo markii uu caasimada Paris u dhaqaaqay waxa uu kooxdiisa PSG u dhaliyay 17 gool waxayna kooxdiisii hore ee iyo PSG ka midaysan yihiin in min 9 dhibcood ay ku hayaan hogaanka horyaalada France iyo Spain.

Si kastaba ha ahaatee, hambalyada uu Neymar Jr u diray Lionel Messi iyo asxaabtiisii hore ee Barcelona ayaa muujinaysa sida uu wali ugu xidhan yahay xidigihii ay taariikhda soo wada dhigeen inkasta oo aanu wax wanaag ah ka haysan dhinaca jamaahiirta iyo maamulka Barcelona.

COMMENTS
Latest News