Saxilnews.com
Halkan ka daawo:MUUSE BIIXI Oo maanta Si Rasmi Ah U Shaaciyay Inuu Shir-weynaha Gollaha Dhexe Qabsoomayo Xiligii Loo Qoondeeyay
November 8, 2015 - Written by admin

Hargeisa (SAXILNEWS)_MUUSE BIIXI Oo maanta Si Rasmi Ah U Shaaciyay Inuu Shir-weynaha Gollaha Dhexe Qabsoomayo Xiligii Loo Qoondeeyay

Gudoomiyaha Xisbiga Taladda Dalka haya ee KULMIYE,ayaa si rasmi shaaca uga qaaday in Shir-weynaha Gollaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE uu qabsoomi doono Xiligii loo asteeyay oo ah 10 Bishan oo ku began Maalinta Sallaasadda ah ee Todobaadkan. Gudoomiyaha oo maanta ka hadlayay Munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen Wasiirkii hore Duulista Iyo Hawadda, Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaas dhawaan loo soo Magacaabay Cismaan Saxariid Caddaani,ayaa waxa uu intaas raaciyay in dhamaan Hawlihii lagama maar-maanka u ahaa qabsoomidda Shir-weynaha ay meel gobo-gabo ah marayaan,waxaanu sheegay in inta hadhayna ay Maalmaha soo socda ay u dhamaanayaan. Gudoomiyaha,ayaa sidoo kale sheegay in Khilaafka Siyaasiga ah ee taagan uu yahay mid laga gudbi karo oo aanu ahayn caqabad qabsoomidda Shirka hor-istaagi karta.

 

HALKAN HOOSE KA DAAWO:

 

 

 

 

 

maxamed ilkacase 

office/hargeisa 

 

COMMENTS
Latest News