Saxilnews.com
MUUSE BIIXI MAGACAABAY GUDOOMIYAHA GOBOLKA MAROODI-JEEX EE XISBIGA KULMIYE IYO CIDA UU KA DHIGAY
October 24, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews) :-Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sameeyey magacaabis laba masuul oo ka hawl gali doono xafiiska Gobolka Maroodi- jeex ee magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu magacaabistiisa ku soo buuxiyey booskii gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex oo dhawaan iska casilay xilkaasi,waxaanu sidoo kale magacaabay ku xigeenkiisa.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu gudoomiyaha gobolka u Magacaabay Mustafe Iid Dhimbiil oo hore uga mid ahaa masuuliyinta xisbiga Kulmiye,

Ku xigeenka ayaa waxa uu sidoo kale u magacaabay gudoomiye ku xigeenkisa gobolka Maroodi Jeex kaasi oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye.

COMMENTS
Latest News