Saxilnews.com
MUSHARRAXA MADAXTINNIMADA DALKA MAREYKANKA HILARY CLINTON OO KA HADASHEY XALADEEDA CAAFIMAAD
September 13, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Washiton (SaxilNews):-  Musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka, Hilary Clinton, ayaa sheegtay in aysan dadweynaha la wadaagin markii ay ogaatay in uu ku dhacay xanuunka burukiitada maadama aysan wax weyn ka soo qaadin.

 

Clinton ayaa wajaheysa camaabareyn xooggan maadaama aysan shaaca ka qaadin xanuunkaasi markii lagu arkay Jimcihii. Waxaa la ogaaday inay qabto xanuunkaasi Axaddii markii ay meel fagaara ah ku xanuusatay.

Waxay ku sugnayd goob lagu xusayay sanadguuradii 15-aad ee weerarkii lagu qaaday daaraha mataanaha ee New York.

Munaasabadda oon dhammaanin ayay baxday, iyadoo dhinaca gaadhigeeda u sii socota ayayna kuftay waxaase garbaha qabtay kaaliyeyaasheeda.

Iyadoo la hadlaysay telefishinka CNN ayaa waxa ay sheegtay inaysan raacin tallada uu dhakhtarkeeda siiyay Jimcihii oo ahayd in ay iska nasato muddo shan maalmood ah.

Xafiiska ololaha Clinton ayaa sheegay inaysan qabin xanuun kale oo aan ahayn burukiitada, dhawaanna uu xafiiska shaacin doona faahfahin ku saaban xaaladeeda caafimaad.

Waxaa lagu waday inay Isniinta u safarto gobalka California si ay u jeediso khudbad ku saabsan dhaqaalaha.Musharraxa ay is hayaan ee Jamhuuriga, Donald Trump, waxa uu kol hore ku dooday in caafimaad ahaan Clinton aysan u qalmin inay madaxweyne noqoto.

COMMENTS
Latest News