Saxilnews.com
Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo Madaxtooyada Kulan Kula Qaatay Mid Kamida Wasiirada Ugu Tunka Wayn Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Iyo Nuxurka Kulanku Daarana
September 14, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews) -Musharraxa madaxwayne ee xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa la weriyey in uu iska dhiibay aqalka madaxtooyada Somaliland isaga oona kula la qaatay mid kamida wasiirada ugu tunka wayn xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,kaasi oo ahaa wasiirka madaxtooyada Somaliland.

Waxaana sida wargeyska Hubaal loo xaqiijiyay la sheegay in uu musharax Jamaal madaxtooyada si aan gabasho lahayn  ugusoo bandhigay cabashooyin badan oo uu ka tirsanayo,isaga oona tilmaamay inay garabka saareen gudoomiye Faysal Cali waraabe.

Sidoo kalena musharax Jamaal ayaa madaxtooyada usoo bandhigay qodobo uu ka codsanayo inay ka taageeraan .

Kulankan ayaa la sheegay inuu kusoo dhamaaday natiijo la’aan iyada oona dhankeeda madaxtooyadu aana wax balan qaad ah u samayn.

 

 

Xigasho Hubaal

COMMENTS
Latest News