Saxilnews.com
Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Ku Dhawaaqey In Aaney Aqbali Doonin ……
April 25, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(SaxilNews):- Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa xisbiga mucaaradka ahee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay isla markaasna si aad u diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa.

Image may contain: 9 people

Md. Cirro waxa weheliyay guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbigaas xildhibaan Cabdiqaadjir Jirde, murashaxa madaxweyne-xigeenka ee Waddani danjire Maxamed Cali Cabdi, hoggaamiyaha xisbigaas Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno kale.

 

Musharax Cabdiraxmaan Cirro ayaa daboolka ka qaaday in aanay mardanbe aqblayn muddo kordhin isla markaasna xukuumada ugu baaqay inay bixiso dhaqaalihii doorashada, waxa sida oo kale ka hadlay masuuliyiin xisbigaas ka xidhan, arimaha sixir bararka oo uu ku tilmaamay mid ay xukuumadu ku fashilntay iyo beelaha ku dagaalmay gobalka Sool.

Waxaana uu Cabdiraxmaan Ciro musharax xukuumadda ku dhaliilay arimaha doorashooyinka isaga oo sheegay in aanay qaadanayan mudo kordhin sadexaad

“Arinta doorashada waad ka warqabtaan oo waxay ahayd inay 2015-kii ay qabsoonto, 22 bilood ayaa la kordhiyay iyada oo aan wax cudurdaar ah loo hayn, beesha caalamku arintaas aad ayay uga xumaatay, Kulmiye waxay yidhaahdeen beesha caalamka uma baahnin lacagtiina anagaa bixinayna, sideed milyan ayay ahayd sida la xaqiijiyayna sadex milyan oo kaliya ayay bixiyeen, waxaanu xukuumada u soo jeedinaynaa si ay doorashadu u qabsoonto oo diiwaangalintu u dhamayastiranto oo kaadhadhka loo qaybiyo in lacagtii la bixiyo, umaddu ma aqbali doono mardanbe doorasho dib u dhacda anaguna ma ogolin.” ayuu yidhi

COMMENTS
Latest News