Saxilnews.com
Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Hada Baaq Nabadeed Soo Saarey Iyo Cida Uu U Diray
January 23, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga

WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magiciisa, kan xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo weliba kan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDNANI wuxuu ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirta colaadda ahi ku dhex martay deegaanka Higlo ee Buuhoodle in ay xaaladda cakiran ee dagaalka ah ku soo dabaalaan nabad iyo wada-noolaansho.

Waxaannu baaq u direynaa Xukuumadda Somaliland, Golaha Guurtida Somaliland, Madax-dhaqameedka, cuqaasha iyo 201-garadka guud ahaan reer Somaliland iyo gaar ahaan kuwa labada dhinacba inay colaaddan ka gurmadaan, isla markaana loo soo afjaro, lana soo celiyo wada-noolaanshaha iyo in sidii innoo dhaqanka ahayd xaaladda aynu ku soo dabbaalno wada-hadal iyo walaalnimo.

Ugu danbeyntii, xisbiga WADDANI wuxuu aad uga damqanayaa dadka walaalaha ah ee ku dhimanaya colaaddaas, wuxuuna mar labaad iyo mar saddexaadba ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee wada dega geegaannadaas inay colaaddaas demiyaan.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

COMMENTS
Latest News