Saxilnews.com
Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Booqasho Ugu Tagey Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Lugta Ka Jabey + Sawiro
January 9, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Musharaxa madaxweyne ee xiisbiga mucaaridka ah ee Waddani islamaraana ah gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa waxaa uu aqalkiisa ku soo booqdey xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo lugta ka jabay

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu horreyn xaaladdiisa caafimaad ka waraystay Xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa, waxaana uu u sheegay in hada uu xaalkiisa caafimaad fiican yahay isla mar ahaantaana lugta ay ka soo gaadhay dhaawac fudud oo Jabniin ah.

 

Guddoomiye Cirro, waxa uu Alle uga baryey in uu u sahlo isla mar ahaantaana uu si deg-dag ah u caafimaad siiyo sida oo kale uu uga soo kabto dhaawaca jabniinka ah ee soo gaadhay.

COMMENTS
Latest News