Saxilnews.com
Murashax Muuse Biixi Oo Xubno Dhalinyaro Ah Oo Kulmiye Ka Tirsan U Magacaabay Xilal Kala Duwan
October 1, 2017 - Written by Faysal Aadan

Murashax Muuse Biixi Oo Xubno Dhalinyaro Ah Oo Kulmiye Ka Tirsan U Magacaabay Xilal Kala Duwan

Hargeysa(saxilnews.com):-Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ahna murashaxa madaxweyne ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa xubno dhalinyaro ah oo ka tirsan xisbiga u magacaabay xilal kala duwan.

Wareegtada uu murashax Muuse Biixi ku magacaabay xubnahan dhalinyarada ah ayaa u dhignayd sidan

Ku: Cumar Axmed Cumar (Xuuxuule)                                                                                     = Berbera =

Ku: Maxamed Nuur Mooge Shabeel                                                                                       = Gabiley =

Ku: Maxamed Ibraahim Nadiif                                                                                                   = Gabiley =

Ku: Cabdiraxmaan Maxamuud Gaaxnuug                                                                             =Hargeysa =

Ku: Cabdifataax Barkhad Cismaan                                                                                            =Hargeysa =

Ku: Siciid Maxamed Siciid                                                                                                            =Hargeysa =                                                                      

Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye                                                                              =Hargeysa =

Ujeeddo: Magacaabis Xilal.

Kadib markii aan arkay muhiimadda Xilalka hoos ku qoran u leeyihiin hab-sami u socodka hawlaha Xisbiga KULMIYE, waxa la magacaabay xubnahan laga bilaabo maanta oo ay bishu  tahay September 30, 2017.

  1. Cumar Axmed Cumar (Xuuxuule) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil.
  2. Maxamed Nuur Mooge Shabeel – In maanta laga bilaabo uu ahaado Afhayeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.
  3. Maxamed Ibraahim Nadiif – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.
  4. Cabdiraxmaan Maxamuud Gaaxnuug – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.
  5. Cabdifataax Barkhad Cismaan – In manta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Qorshaynta iyo Jaan-goynta Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.
  6. Siciid Maxamed Siciid – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Dhaqaalaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.  

 

Muuse Biixi Cabdi

 

______________________________________________

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

COMMENTS
Latest News